BALIGUBADLE MEDIA
Maxkamada Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Laba Qof Oo Caruurta Iibsada
February 28, 2018 - Written by admin

Maxkamada Racfaanka ee degamada Hargeysa ayaa waxaa ay xukun ku riday laba qof oo nin iyo gabadh ah kuwaas oo ay maxkamadu sheegtay in ay ku heshay dandi ah in ay ka ganacsadaan caruurtayar yar ee da, doodu ka yar tahay 15 sanno.

87
Labadan qof ayaa lagu kala magacaabaa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan iyo Khadra Cabdilaahi Maxamed , waxaana ay maxkamadu ku riday kun ah min laba sanno iyo badh.

Waxa lagu xukumay laba sanno iyo Badh xadhig ah kadib markii ay ku caddaatay in ay dad ka ganacsanayeen.

Hooyada dhashay Ilmaha yar oo la hadashay BBC-da waxa ay sheegtay in aanay ku qanacsanayn muddada kooban ee lagu xukumay danbiilayaasha.

Todobaadkii la soo dhaafay Maxkamadda degmada Hargeysa waxa ay saddex sanno ku xukuntay shan nin oo loo haystay in ay iibsanayeen Hal midh oo Xayawaanka Diinka ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS