BALIGUBADLE MEDIA
“Maxamed Kaahin Wuxuu Ku Ololeeyay Kala Qaybinta Bulshada Gobolka Togdheer…..” Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Aan Lagu Kalsoonaan Karin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
February 4, 2018 - Written by admin

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Togdheer, Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inay kala qaybisay bulshada reer Burco, wakhtigii ay masuuliyiintii KULMIYE ee iminka dalka hogaamiyaa ku jireen ololaha doorashada.
Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa sheegay in Burco ay marayso meel ka liidata wakhtigii dagaalada Sokeeye ee la soo dhaafay, waxaana uu sheegay in kalsoonidii bulshadu ay luntay .

doob

Maruu u waramaayay saxaafadda maxaliga ah wuxuu yidhi. “Xilligii dhawr iyo sagaashankii halkii ay bulshada Gobolka Togdheer maraysay meel ka liidata ayay maraysaa dhinac ahaan marka loo eego, 7 badhasaab baan la soo shaqeeyey waxaan garan karaa maalintii Maxamed Ibraahim Qabo xilka wareejinayay siday Burco ahayd, xafladiisii waa laga soo qaybgalay reer Burco oo dhan cuqaasha nin baa u hadlay, wariyayaasha ninbaa u hadlay, isuduwayaasha nin baa u hadlay, guddoomiyayaasha degmooyinka nin baa u hadlay, magaalo kalsooni buuxda dadkeedu isku qaba ayay ahayd. Maantana Axmed Dheere berigii uu joogay ee Ina Cigaal Madaxwaynaha ahaa meel ka hoosaysa ayay Burco maraysaa isku xidhnaanteeda iyo urursanaanteedu” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga WADDANI.

Sidoo kale Guddoomiye Doob ayaa masuuliyadda kala qaybinta bulshada gobolka Togdheer ku eedeeyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo uu sheegay inuu wakhtigii ololaha dadka dhex dhigay utun qabyaaladeed, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:’“Magaalada waxaa kala qaybiyey kaambaynkii xisbiga KULMIYE, waliba madaxda ugu sarraysa xisbiga ayaa qaybiyey, waliba wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed waxa uu ahaa guddoomiyihii ololaha ee gobolka Togdheer waxana lagu ololeeyey wax kala qaybinaya bulshada reer Burco, Muuse hal baa seegay, Maxamed Kaahin-na hal baa seegay, Muuse waxa seegay inuu wasiirka arrimaha gudaha u magacaabo Maxamed Kaahin oo ku ololaynaayay kala qaybinta gobolka Togdheer u magacaabo wasiirka arrimaha gudaha inaanu guul dhalinayna wuu arkayay, Maxamedna hal baa seegay markii la magacaabay ee uu qaatay ba inuu qirto dembigii uu ka galay gobolka Togdheer ayay ahayd, laakiin maanta anigu waxaan u arkaa inaan la aaminin Karin loona arki Karin nin dadkii oo dhan u dhex ah”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS