BALIGUBADLE MEDIA
Masuul Xil Sare Ka Hayay Xisbiga Kulmiye oo Is Casilay
February 15, 2018 - Written by admin

Gudoomiyihii Garabka Haweenka Ee Xisbiga Kulmiye Canab Cumar Ileeye ayaa iska casishay xillkii ay ka haysay xisbiga kulmiye.

breaking news
Canab Cumar ileeye ayaa markay kahadlaysay is casilaadeeda tidhi “wakhti dheer ayaan xisbigan kulmiye la soo shaqeeyay, laba madaxwayne ayaan soosaarnay, dee qofkuna wuu waynaanayaa markaa waxaan jeclaystay inaan nasto, hawshuna waa hawl adag” ayay tidhi iyadoo uwaramaysay Eryal Tv.

Gudoomiyaha oo lawaydiiyay in cadaadis lagu saaray inay xilkan banayso ayaa sheegtay inay ikhtiyaarkeeda uga degtay xilka ay haysay.

Canab Cumar ayaa haysay xilkan shan iyo tobonkii sanno ee ugu dambeeyay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS