BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Muuse Biixi oo Saddex Wasaradood oo Qarsoon U Magacaabay Beeshiisa.
February 23, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tan iyo intii uu xilka qabtay xilalkii ugu badnaa u magacaabay beesha uu ka soo jeedo, ayaa hadana ku talaabsaday arrin kale oo layaab ku noqotay bulshada, taas  oo uu ku siraayo indhaha shacbiga  cadaaladda ka filaayay,  kadib markii uu saddex Wasaradood oo qarsoon u magacaabay beeshiisa hoose oo awalba saami xad dhaafa haysatay.

muuse haaruun
Wasaaradii dibu-dajinta wuxuu u badalay Hay’adda kaydka Qaranka iyo ka hortaga aafooyinka, waxaanu madax uga dhigay Faysal Cali Sheekh oo Beeshiisa ah.

Wasaaradii Duulista iyo Hawada ayuu iyana u magacaabay Duuliye Cabdi Maxamed Rodol oo ka soo jeeda beesha madaxwaynaha

Wasaaradii Madaxtooyada oo xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ahayd meesha ugu hadal haynta badan ayuu iyana xil ahaan Agaasime ugu magacaabay Maxamed Cali Bile oo ah beeshiisa, xilkan ayaa awood ahaan Iyo miisaaniyad ahaanba wuxuu yahay Wasaaradii Madaxtooyada, waxna lagama badalin sidii ahayd wakhtigii Xukuumadii Siilaanyo, balse si indhaha dadka looga jeediyo ayuu Madaxweyne Muuse Biixi u maldahay.

Saddexdan Wasaradood waxa dheera oo uu hore Madaxweynuhu beeshiisa ugu magacaabay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo maalgashiga, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Wadooyinka iyo Gadiidka, Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo xilal kale oo Agaasimayaal tiro badan, Safiiro iyo Badhasaabyo leh. Waxaa intaas dheera xilalka Hore ay u hayeen beesha Madaxweynahu oo uu sidoodi u daayay oo ay kamid ahayeen, Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka, Taliye ku-xigeenka ciidamadda Booliska, Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo xilal kale oo tiro badan arrintan ayaa dibadda u soo saartay wajiga dhabta ah ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

 

COMMENTS