BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo Loogu Baaqay Inuu Iscasilo
February 4, 2018 - Written by admin

Dalka Koonfur Afrika, waxaa sii kordhacaya cadaadiska lagu saarayo madaxweyne Jacob Zuma inuu iscasillo, iyada oo saraakiil sarsare oo ka mid ah xisbiga haya tallada dalka ee ANC la filayo inay galinka dambe ee maanta ay yeeshaan kulan ay uga doodayaan mustaqbalka madaxweynaha.
zuma
Madaxweyne Jacob Zuma ayaa wajahaya eedeymo dhanka musuqmaasuqa ah, mucaaradka iyo xubno kale oo ka tirsan xisbiga haya tallada dalka ee ANC ayaana doonaya inuu xilka ka dego.

Madaxweyne Zuma ayaa haatan wali haya jagada madaxweyne. Balse tan iyo bishii diseember ee sanadkii lasoo dhaafay xiligaasi oo xisbiga ANC hogaamiye cusub loo doortay ayaa waxaa meesha ka baxay xiriirkii Zuma uu la lahaa xisbiga ANC.

Dacwad oogayaasha dalka Kooonfur Afrika ayaa haatan u muuqda inay baaritaan ku hayaan eedeymaha musuqmaasuq ee la sheegay inuu ku lug leeyahay madaxweyne Zuma iyo qaar ka mid ah saaxiibadiisa aadka ugu dhow.

Siyaasiyiin badan oo ku jira xisbiga ANC ayaa doonaya inuu madaxweynuhu si degdeg ah xilka uga dego, si ay diirrada u saaraan dib u hagaajinta sumcada xisbiga ka hor doorashooyinka sanadka soo socda.

Balse waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Zuma uu halis u bareerayo.

Waxaa lagu wadaa madaxweyen Zuma inuu khudbad ka jeediyo gollaha baarlamaanka toddobaadka soo socda, balse axsaabta mucaaradka ayaa sidoo kale isku dayaya inay ka hor istaagaan arrintaan, iyaga oo sheegaya inuusan mudneyn inuu xilka madaxweyne sii hayo.

Hoggaamiyaha xisbiga ANC, Cyril Ramaphosa, ayaa si cad u dhaleeceeyay musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jira xisbiga iyo dowladdabada, balse waxa waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan habooneyn in Mr Zuma sumcadii wax loo dhibo.

BBC

COMMENTS