BALIGUBADLE MEDIA
War Degdega: Madaxwayne Muuse Biixi oo Qarka U Saaran Inuu Is Casilo + Waa Maxay Sababtu
February 13, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayay ku baahday xaajadu kadib markii xilka madaxtinimo loo dhaariyay 13 bishii december ee sanadkii 2017 madaxwayne biixi ayaa jaahwareer baahsan kala kulmay kursiga uu mudada gaaban fadhiyo isagoo ilaa hadda la ildaran mushaharkii shaqaalaha dawladda iyo ciidamadda halka madaxwaynaha iyo xukuumadiisu aanay islaba haysan masuul kastaana ku dhaqaaqo talabaadda uu doono

muuse is casilaad

muuse biixi oo inta badan lagu yaqaanay nin ad adag ayaa wajahaya xaalad adag oo siyaasadeed iyadoo ilaa hadda uu ku guuldarstay inuu wax qabto go’aamo uu ka soo saaray sixir bararka oo aan waxba ka badalin qiimaha sarifka iyo maciishadda oo kor u sii kac ku yimi mooyaane

dadka siyaasadda faaleeya ayaa ayaa farta ku fiiqay in xalka kaliya ee madaxwyanaha la gudbooni yahay inuu kursiga iska casilo maadaama oo uu muddo gaaban ku fashilmay inkastoo wararka qaar baligubadlemedia soo gaadhayaa iyaguna sheegayaan in kulamo kala gadisan oo madaxwaynuhu la yeeshay siyaasiyiin jeegaanta ah uu ku wargaliyay inay ku baahday taladii dalku loona baahanyahay in lagala taliyo waxa uu ka yeelayo xaaladda xun ee durba muuse dalka galiyay

axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa

COMMENTS