BALIGUBADLE MEDIA
Macdan qodayaal ku go’doomay god dahabka ah oo lasoo badbaadiyay
February 2, 2018 - Written by admin

Ku dhawaad kun macdan qodayaal ah oo dahab ka qodayay dalka Koonfur Afrika oo dhulka hoostiisa ku xayirnaa illaa arbacadii ayaa lasoo badbaadiyay gabi ahaantoodba.

macdan qodayaal

955 ta qof ayaa ku xayirmay dhulka hoostiisa kadib markii ay korontadii tagtay, islamarkaasna uu joogsaday wiishkii dusha sare ee dhulka keeni lahaa.

Godadka macdanta laga qodo ayaa gunta hoose ee dhulka u qodan boqolaal mitir, halkaas oo haddii muddo dheer lagu xayirmo ay adagtahay in laga badbaado.

Koonfur Afrika ayaa ku horeysa xagga soo saarista dahabka, balse nidaamka bad qabka dadka ayaa inta badan su’aalo la’iska weeydiiyaa.

Godkan oo lagu magacaabo Beatrix oo ku yaala magaalada Welkom oo 290km u jirta Johannesburg ayaa waxa uu hoos u qodanyahay illaa 1,000 mitir.

Nin ka mid ah dadkii lasoo badbaadiyay oo lagu magacaabo Mike Khonto ayaa sheegay in godka hoostiisa uusan lahayn hawo dadka ku filan.

Illaa 80 qof ayaa Koonfur Afrika ku dhimatay sanadkii 2017-kii shilal la xiriira godadka macdanta laga qodo.

BBC SOMALI

COMMENTS