BALIGUBADLE MEDIA
Ma Jiro Dunida Ergay Laba Wadan Safaaradahooda ka Wada Ergay Ah, Sida (Micheal Keating, Un Ambassador In Somalia G.F) Lagu Sheego. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).
February 24, 2018 - Written by admin

Waxaan  in  badan  ka  maqley  War-baahinta  maxaliga  ah  ee  jamhuuriyada  Somaliland erayada  ugu  badan  dhinaca  safiirada  (Safiirka  Somaliland  Iyo  Soomaaliya), Arinkaasina  ma,aha  mid  jira  oo  caalamiya  sida  caanka  ah  dunida  Safiirku  waxa  uu  kaliya  wakiil  uga  noqdaa  wadankiisa  meesha  loo  diro  yadoo  la  raaciyo  waraaq  ama  wareegto  Madaxweynaha  wadankaasi  ku  soo  suntay  qabashada  hawshaa,  Waxa  taa  u  dhiganta  hay,adaha  caalamiga  ah  iyo  ururada  Quruumaha  Midoobey  oo  yaguna  wadan  kaliya  u  dirta  Safiir,  Balse  dawladaha  caalamka  iyo  hay,aduhuba  ma   isticmaalaan  nidaam  ah  in  laba  wadan  safiir  kaliyaata  loo  diro.

Hadii  aan  ka  istaago  dhinaca  qadiyada  Somaliland  oo  yada  ay  ka  go,an  tahay  wax  la  yeelashada  Soomaaliya  iney  madnuuc  tahay  isla  markaasina  ay  labadaasi  kala  aba-baxeen  waxna  aaney  ka  dhaxeyn,  Markaa  hadaynu  ku  hadaaqno  Safiirka  Soomaaliya  iyo  Somaliland  u  fadhiya  dal  hebel  ama  Hay,ad  heblaayo,  Sida  (Englad,  U.S.A, France, German,  Belgium, Ama  Hay,adaha  caalamiga  ah  Sida  Who, Unhcr, Ilo, Wfp,). Kuwani  haday  wakiilo  u  dirsadaan  Soomaaliya  yaga  iyo  inaga  Somaliland  ahaan  kama  dhaxeeyaan  lamana  odhan  karo  Safiirka  u  qaalibsan  labadaa  wadan  kan  uu  ka  yimidey  ee  wakaaladiisa  uu  sito  ama  hay,ada  soo  wakiilatey  waxa  loo  asteeyey  waa  wadan  kaliyaata .
Hadal-haynta  ugu  badan  ee  kalmadahani  waxay  carqaladeynasaa  doonisteena  ictiraafka  buuxa  ee  caalamiga  markaa  waa  iney  ka  waantoobaan  war-baahintu  maadama  yagu  ay  yihiin  kuwa  ugu  badan  ee  soo  cel-celiya  kalmadahani  aan  ku  haboonayn  dibloomaasiyada  iyo  nidaamka  Aqoonsi-raadiska  ee  Somaliland  ay  ku  jirto,  Sidaa  darteed  waxaan  baaq  soo  jeedin  iyo  dhambaal  is-huwan  isugu  dareynaa  bah-weynta  saxaafada  Somaliland  kuwaasi  arinkani  ku  calaamadeysmey,  Waxaanen  u  soo  jeedinaynaa  in  aaney  Somaliland  iyo  Soomaaliya  Waxba  wada  lahayn  sidoo  kalena  aaney  jirin  xubno  wakiilo  oo  ka  wada  dhaxeeyaa ,  Tani  waa  qodobada  aan  ka  duulo  een  waliba  ku  doodno  in  aynu  kala  tagney  meeshaasina  aaney  wax  ugu  hadhin  umadani.

Saameynta  Ay  Leedahay  Ereyadani.

Erayadani  waxay  riiqayaan  tabacii  Somaliland  ay  u  soo  gashey  dalnimadeeda  hada  dhamayska  tiran  ee  ay  Ilaahey  mooyaane  aanu  bina-aadam  waxba  yeeli  kareyn, Waxa  ay  caqabad  ku  noqonaysaa  wada  hadalada  Soomaliland  iyo  Somaliland  oo  xataa  waxa  dhici  karta  in  hay,ad  caalamiya  loo  wada  saaro  ama  loo  igmo  si  ay  u  dhex-dhexaadiso  wada  hadaladani,  Waliba  caqabada  ugu  weyni  waxay  noqon  kartaa  in  Somaliland  ay  dabarto  yadoo  la  cuskanayo  wax  wada  yeelashadani  waa  hadii  ay  sii socoto  erayadani.
Miyaaney  Somaliland  Ku  Doodeyn  Kama  Mid  Nihin???????.

Somaliland  waxay  go,aansatey  oo  ay  qaraar  dastuuriya  iyo  afti  shacab  ku  gaadhey  in  aaney  anfaceyn  gabi  ahaanba  ka  mid  ahaanshaha  Soomaaliya  ,  Sidaa  darteed  ay  ka  noqotey  yadoo  dawladnimadii  ay  hore  ugu  keentay  ay  dib  ula-noqotey,  Iskeedna  ay  uga  anba-qaadey  dawladnimadii  ay  hore  u  aheyd  oo  ilaa  Maxmiyadii  Boqortooyada  Midaway  ay  ugu  timidey  waliba  saxeexeedii  xornimada  oo  caalami  ahi  uu  yaalo  wadankan  boqortooyada  midawdey(UK), Marag  cadna  ay  ka  yihiin  tan  labaad  xataa  hadii  carabka  lagu  sii  badiyo  hada  ayey  ina  hantiyeysaa  waayo  hore  waxba  inooga  mey  dhaxeynin.

Horta  Labadan  Dal  Miyey  Isku  Biireen,  Midoobeen,  Is-Raaceen???????????????

Labadan  dawladood  ee  Somaliland  iyo  Soomaaliya  xiliyadii  ay  is-raaceen  kamey  aheyn  ujeedada  hada  la  marin-habaabiyey  ee  layidhaahdo  wey  (Midoobeen) , midawgu  waa  marka  wax  laysla  meel  dhigo  shuruudo  la kala  qorto  yagoo  shuruud  walba  dhinaca  kale  ku  qanacsan  yahay.

Ee  wey  (IS-raaceen),   Labadan dal  wey  is-raaceen  kumay  heshiin  iney  midoobaan  ama  wax  shuruud  ah  isku  mey  xidhin  waayo  waxaa  aloosnayd  jibo  ama  qiiro  soomaalinimo  tasaana  arimahooda  dadajisey  labadan  soomaaliyeed  dawladahoodii,  Tii  aakhirkii  muxubadii  walaalnimo  la  kala  eeday  oo ninba  dhinaciisa  ula  luudey.

(Iskumey  Biirin),  qodabkanina  kumuu  jirin  isna  labada  dal  waxyaabaha  isu-geyey  waayo  wali  waxa  aan  bislaan  soomaalida  oo  dhan  sidaa  awgeed  waa  layska  muxubo  heesay  uun.

Guntiyo  gaba-gabadii  waxaan  leeyahay  saxaafadu  ha  ka  waantawdo  erayadaasi  waayo  waxay  inoo  soo  jiidaysaa  waxyaabo  ayna  Somaliland  galin,  Xiligaa  aayer  uun  baa  lays  raacey  lama  wada  tashan ,  Waxba  lama  wada  yeelan  waa  lay  raacey  oo  kaliya  xataa  qodobo  lagama  dhigan  arinkaasi,  Hadaba  cidi  imika  dhaheysa  Safiirada  Soomaaliland  Iyo  Soomaaliya  ee  dawladahaasi  ama  hay,adahaasi  u  qaabilsan  waa  cid  dalkeeda  wax  ka  xumaysay.

QalinKa:  C/raxmaan   Sayid   Faarax(Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS