BALIGUBADLE MEDIA
Ku dhawaad 30 qof oo ku dhimatay qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho
February 24, 2018 - Written by admin

Ku dhawaad 30 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaraxyo iyo is-rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaanna agagaarka madaxtooyada iyo xarunya hay’adda sirdoonka qaranka.

fiat

Xog ay heshay BBC-da ayaa waxa ay sheegeysaa in dadka dhintay ay isugu jiraan rayid, askar iyo dableydii weerarka sooq aaday.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaasi oo ay sheegtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa madaxtooyada iyo xarunta nabadsugidda qaranka.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gawaari laga buuxiyay waxyaabo qarxa, waxaana ka dambeeyay rasaas aad u xoog badan, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen BBC-da.

Mas’uul u hadlay wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegay in la dilay dhammaan raggii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale, ciidamadda dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sheegeen in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT, sida lagu qoray wakaaladda wararka dowladda ee SONNA.

Dowladda waxay sheegatay in ay soo afjartay weerarka Al-Shabaab.

xigasho: bbc

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS