BALIGUBADLE MEDIA
Khilaafka Tiyaatarka: Sheeko Saddex Geesood Ah Oo U Dhaxaysa Ganacsade Cumar Caydiid, Marwadii Hore Aamina Weris iyo Maayir Soltelco
February 16, 2018 - Written by admin

Khilaafka ka taagan dhulka uu ku yaallo tiyaatarka Hargeysa ayaa soo noq-noqday 8 –dii sano ee ugu dambaysay, khilaafkaas oo wajiyo badan soo maray ayaana mar walba u dhexeeya Ganacsade Cumar Caydiid oo maalgalin ku sameeyey dhulka tiyaatarka Hargeysa iyo shakhsiyaad leh dhulalka ku xeeran tiyaatarka, waxaana uu khilaafkaasi keenay in markale todobaadkan xabsiga loo taxaabo Ganacsade Cumar Caydiid.

tiyaatarka

Hadaba waxaanu halkan idiinku iftimiin doonaa ubucda uu wakhti xaadirkan salka ku hayo khilaafka tiyaatarka Hargeysa, kaasoo ka duwan wajiyadii hore.
Dhulka La Isku Haystaa Waa Halkee??
Dhismaha tiyaatarrka Hargeysa ee uu maal-galiyey Ganacsade Cumar Caydiid waxa ku lammaan dhisme dabaq ah oo uu gaar u leeyahay Ganacsade Caydiid, waxaana dhismahaas ku dhegen kaalinta shidaalka ee dawladda Hoose, hadaba muranka ayaa taagan wajahadda galbeed ee dhismaha tiyaatarka, waxaana ay dhinaca kale ku doodayaan in wajahad balaadhani u dhaxayso dhismaha tiyaatarka iyo kaalinta dawladda Hoose isla markaana uu ganacsade Cumar Caydiid ku soo xad gudbay.

Yaa leh dhulka kaalinta shidaalka DHH??
Xogaha ka soo baxaya masuuliyiinta dawladda hoose ayaa sheegay in dhulka ay ku taallo kaalinta shidaalka dawladda hoose haatan iska leedahay marwadii hore ee qaranka Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, waxaa sidoo kale dhulka marwada qayb ka ah geerashka dawladda hoose, waxaana marwada dhulkan la siiyey wakhtigii uu xoghaya dawladda Hoose ahaa Axmed Derejo, wararka qaarkood ayaana sheega in dhulkan marwada la siinayay uu ahaa waxa galaaftay Axmed Derejo, kadib markii uu ka dhego adaygay.
Wareejintii dhulka kaalinta shidaalka iyo geerashka dawladda hoose ayaana muranka sii kordhisay waxaana marar kala duwan la isku adeegsaday madax-dhaqameed dhinacyada kala metelayay oo warbaahinta hadallo isu mariyey.
Door intee le’eg ayuu Maayirku ku leeyahay khilaafkan soo noq-noqday?
Suldaanka guud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa xudunta khilaafkan ku eedeeyey maayirka degmada Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco oo uu sheegay inuu qayb ka yahay khilaafkan isla markaana uu waraaqo isku mid ah siiyey dhinacyada isku haya tiyaatarka wajahdiisa “arrinkaasi waa arrin ka socda maayirka caasimadda sababtoo ah labada ruuxba laba warqadood oo isku mid ah ayuu kala siiyey, labadaas warqadoodna isku meel uunbay tilmaamayaan isaga ayaana madaxa isu galiyey” sidaas waxa yidhi suldaanka guud, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlayay khilaafka tiyaatarka ee soo noq-qoday.
Maxaa khilaafka wakhtigan dhaliyey?
Mustafa dheereeye waa ganacsade ku ganacsada kaalinta shidaalka dawladda ee hadda la sheegayo in la siiyey marwadii hore ee qaranka, waxa uu todobaadkan ku eedeeyey Ganacsade Cumar Caydiid inuu si ula kac ah u bur-buriyey kaalintiisa, isla markaana uu cagafyo u soo diray, waxaana uu sheegay in wajahad weyni u dhaxayso kaalinta shidaalka iyo dhismaha tiyaatarka, eedaha uu ganacsadahani ujeediyey Cumar Caydiid ayaana loo aanaynayaa xadhigiisa oo wakhtigii dawladdii Siilaanyo mar lagu xidhay saldhiga Ibraahim Koodbur.
Geesta kale wararka la xidhiidha dhulkan kaalinta shidaalka iyo marwada ayaa tibaaxaya in Mustafe Dheereeye uu hadda wakiil dhulkan uga yahay Marwo Aamina weris Sheekh Maxamuud Jirde.
Ugu dambayn Madaxwayne Muuse Biixi oo arrimahan si dhaw uga war hayay tan 2015-kii ayaan la ogayn tallaabada uu ka qaadi doono khilaafkan iyo inuu soo afjari doono.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS