BALIGUBADLE MEDIA
Khilaad Adag oo Ka Dhex Istaadhmay Madaxwayne Biixi Iyo Wasiirkiisa Daakhiliga + Muxuu Daaranyahay?
February 16, 2018 - Written by admin

khilaaf aan la filayn ayaa ka dhex qarxay madaxwaynaha somaliland iyo wasiirkiisa daakhilga kornayl maxamed kaahin axmed khilaafkan oo aan la hubin halka uu salka ku hayo ayaa  wararka laga helayaa sheegayaan inuu maalmihii u dambeeyay soo kala dhex galay madaxwaynaha iyo wasiirka oo muddo dheer saaxibo aad iskugu dhaw ahaa

muuse iyo maxamed kaahin

waxaana wararku intaas ku darayaan in madaxwaynuhu go’aansaday inuu xilka wasaaradda daakhliga ka qaado wasiir maxamed kaahin islamarkaana uu u badalo wasaaradda gaashaan dhiga

sidoo kale wararka naga soo gaadhaya khilaafka labadan masuul ayaa intaas ku daray in madaxwaynuhu wasiirka ku canaantay inuu ka soo bixi waayay waajibaadkiisii shaqo isagoo maxamed canaantaas ka xanaaqay islamarkaana uu kulamo kala gadisan maalmihii u dambeeyay la lahaa masuuliyiinta xisbul xaakimka kuwaas oo uu kala hadlayay in la gaadhay wakhtigii lagu wareejin lahaa booska gudoomiyaha

maxamed kaahin ayaa u muuqda inuu jagadda uu hayo ka doorbidayo booska gudoomiyaha xisbiga oo muuse biixi damac ka galay markii uu fuulay kursiga madaxwaynenimo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS