BALIGUBADLE MEDIA
Jacop Zuma oo Cadaadis Xoog Leh oo La Saaray Kadib Iska Casilay Madaxtinimadii Koonfur Afrika
February 15, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa xilka iska casilay kaddib maalmo uu haystay caddaadis ballaaran oo uga imanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

zuma

Jacop Zuma oo Cadaadis Xoog Leh oo La Saaray Kadib Iska Casilay Madaxtinimadii Koonfur Afrika

Waxa uu iscasilaaddiisa kaga dhawaaqay khudbad uu habeenkii Arbacada qaranka uga jeediyay taleefishinka.

Goor sii horraysay xisbiga ANC ayaa Zuma u sheegay inuu xilka banneeyo haddii kale uu wajahi doono in baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaado in lagala laabto codka kalsoonida.

75-jirkan ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowrm ah oo musuq maasuq.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS