BALIGUBADLE MEDIA
Fadeexadaha Xil Ka Qaadistii Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Dul Hooganaya Wasiirka Daakhiliga Kornayl Maxamed Kaahin
February 2, 2018 - Written by editor

wasiirka daakhiliga ayaa la daalaa dhacaya fadeexado hor leh oo kaga imanaya qaabkii uu xilka uga qaaday xoghayihii fulinta dawladda hoose ee hargeysa cali xasan cawaale fadeexadan ayaa isugu jira dhawr nooc kuwaas oo wasiirka daakhiliga ka dhigaya shakhsi shilimaad ku badashay saraynta sharciga islamarkaana si toosa uga horyimi xoghayaha fulinta dawladda hoose oo isagu cadaymo badan oo musuqmaasuq u gudbiyay kornayl maxamed kaahin

maxamed kaahin7

kornayl maxamed kaahin oo inta badan lagu tilmaami jiray nin wayn oo xaga siyaasadda ka ah mudakar ayay taasi is bedeshay waxaanu maxamed kaahin ku fashilmay sida uu durba ula shaqeeyay maayarka musuqu hadheeyay ee loo baahnaa in talaabo adag ka qaado balse isaga laftarkiisii xaga jeebka ka dhagareeyay xadiga lacagta soltelko ku bixiyay xil ka qaadista xoghaye cali ayaa lagu qiyaasay 150 – kun oo dolar

waxaana durba soltelko ka faa’idaystay xukuumadda  cusub ee adeerkii isagoo ku dagaalamaya dhaqaale xadi badan oo uu ka musuqmaasuqay xoolaha umadda

isku soo wada duuboo maxamed kaahin oo ahaa siyaasi loo hanwaynaa ayaa muddo 45 cisho gudaheeda ku fashilmay islamarkaana ka fiirsan waayay talaabo uu xilka kaga qaaday xoghayaha dawladda hoose oo ahayn mid aan sharciga waafaqsanayn

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS