BALIGUBADLE MEDIA
Dawlada (Ethiopia) Waxa U Yaala (Green Plane And Isolated Democratic Policy), Markaa Cidii Ku Shaqayn Kari Weydaa Wey Is-casilaysaa. Qalinka: C.S.F(Jeesto).
February 19, 2018 - Written by admin

Dawlada  (Ethoipia) Waa  dawlad  qadiimiya oo  la  leh  xuduudo  ama  soohdimo  wadamada  ugu  badan  Geeska-afrika  Sida  (Sudan, Erateria, Kenya, Somalia, Djabouti, Iyo South Sudan), Waana  ka  ugu  balaadhan  isla  geeska-afrika  dhexdiisana  waxa  ku  Qoomiyado  kala  duwan  kuwaasoo  leh  afef  iyo  dhaqamo  kala  gadisan, Cabirkoodii  ugu  danbeeyey  ee  caalamiga  ahaa waa  (96million) oo  dad ah,  Sidoo  kale  waxa  ka  jirra  todoba  is-maamul  dawladeed  oo  kala  ah  (  Soomaalida,  Tigreyga,  Canfarta,  Oromada, Shucuubta Koonfurta, Amxaarada,  Iyo Herarida),Iyo  waliba ( 36 Qoomiyadood)  hada  ma,ha  qabaa,il  ee  laantii  ka  sareysay  qabaa,ilka, Waxan  casbi  galiyey  umadaha  jaarku  waa  quwada  wadankani  balse  waa  in  xisaabta  lagu  darsadaa  iney  Ethoipia  leedahay qorsheyaal  aaney  abidkeed  ku  fashilmeyn  xaga  dawladnimada.

Hadaba  intaanen  galin  faalada  kale  ee  ku  aadan  sawirka  naxdinta  iyo  muuqa  xun  ee  ay  wadamada  Geesku  ka  qaateen  arinkani  waxaan  yara  iftiimin  sababta  Raysal-wasaaruhu  isu  casiley  ama  ugu  fashilmey  hogaaminta  dalka  jamhuuriyada  dimuqraadiga  ee  itoobiya,  Raysal-wasaaraha  waxa  ku  adkaatey  inuu  dalka  ku  sii  hayo  dhabadii  caadiga  aheyd ee  uu  wadankani  ku  soo  caano-maali  jirey  taasi  oo  hore  khabiiro  iyo  indheer-garad  hore  oo  itoobiyaan  ahi  ay  dajiyeen,  Kaasi  oo ahaa  (Green  Plane  And  Isolated  Democratic  Policy), Oo ah  siyaasada  aan  fur-furnayn  ee  wadanka  dhexdiisa  taasi  oo inuu  qabsadey  Raysal-wasaarahani  fur-furan  tay  taasina  waxay  keenaysaa  in  wadanku  fashilo,  Hadaba  isku  dayo  badan  oo  xukuumadiisu  kaga  hawl-gashey  xalinta  dhibaatadani, Nasiib-xumo  wey  ku  guul-dareysteen  waana  tan  keentay  is-casilaadiisa  si  wadanku  u  helo  hogaamiye  halkiisii  ku  soo  celiya  dhabadiina  aan  ka  kaxeyn.

Ka  dib  Is-casilaadii  Raysal-wasaaraha  Ethiopai  Mr.Hailemariam  Desalenge ayaa  waxa  soo  if-baxaya  inay  ka  war-waraan  wadamada  Geeska-afrika  ku  yaalaa  waxyeelo  la  xidhiidha  haday  bur-burto, Balse  waxa  xusid  mudan  iney  dawladani  guunka  ahi  tahay  mid  ku  dhisan  mabaa,dii  qadiimiya oo  soo  jireen  ah  Ilaa  Dhawriyo  toban  qarni, Qarankan itoobiya  waxa  uu  qorshe  lagu  magacaabo (Green  Plane And  Isolated  Decomratic  Policy) Oo  macnihiisu  yahay  siyaasada  dimuqraadiyada  aan  fur-furnayn  dhexdeeda iyo  qorshaha  cagaaran, halkaasina  waxa  ka  muuqata  iney  dawladani  leedahay  mustaqbal  iyo  agarti  fog  oo  ay  khubaradoodii  hore  u  dhigeen  isla  markaana  lagu  shaqeeyo  hawl-dawladeedkeedana  loo  maro, Ma,aha  qaran  si  dhayal  ah  wax  ku  noqonaya  ama  aayer  bur-buri  kara  waayo  waxa  galey  tabac  khubaro  hore  u  dhigeen,  Dunida  dhamaanteed  wadamada  taariikhiga  ah  dhinaca  dawladnimadu  waxay  leeyihiin  nidaam  ay  dhamaantood  raacaan  oo  hortood  la  dajiyey  masuul  kastaana  uu  dariiqeeda  raaco.
Hadaba  qaramada  faca-weyn  ee  caalamka  guudkiisa  ka  jira  hadii  masuulka  hogaanka  u  hayaa  uu  ku  fashilmo  dariiqii  saxda  ahaa  ee  loo  jeexay  waxa  ku  waajib  ah  inuu  iska  Casilo  Xilka  uu  u  hayo  waa  hadii  uu  waayo  xal  ama  maareyn  dhibaatada  la  soo  darista  ee  ka  leexinaysa Qorshihii  qaranka  loogu  tala-galey.  Arintani  waa  mid  caalamiya  imikana  Raysal-wasaarihii  itoobiya  waxa  uu  ku  guul-dareystay  nidaamkii  dalkani  lahaa  inuu  wax  ku  xaliyo  sidaa  darteed  waxa  lagama  maarmaan  ah  inuu  kursiga  baneeyo  si  loo  soo  xulo  masuul  ku  guta  waajibka  hogaaminta  sidii  loogu  tala-galey, Inkastooy  bulshooyinka  wadamada  jaarka  itoobiya  ay  wadnaha  farta  ku  hayaan  hadana  waxa  yadna  meesha  taala  iney  itoobiya  ka  bad-baadeyso  caqabad  kasta oo  la  soo  darista, Laakiin  lama  dafirayo  xiliga  adeg  ee  ay  dawladu  gashey  balse  ma,aha  mid  ay  ku  sii  jireyso  dawladani  qadiimiga  ahi  iney  halkaa  ku  fashilanto.

Qarankan  awoodaha  faraha-badan  isu-darsadey  haday  tahay  Dhaqaale, Wax  soo  saar, Amni-sugan  iyo  hilaadinta  mustaqbal  ee  fogi  waa  mid  kolay  ku  waari  doona  hanaankiisii  caadiga ahaa, Waxa  hada  ka  dhaceyna  ma,aha  wax  inagu  cusub  ee  dunida  waligeedba  wey  ka  dhacaysey  balse  xal  danbe  iyo  isu-tanaasul  wey  soo  noqotaa  haybadii  dawladnimo  iyo  tii  ay  hore  u  lahaydba. Xaqiiqatana  ma  filayo  iney  dawlada  itoobiya  carqaladaasi  ku  sii  socoto  wadamada  Geeska-afrika  iyo  dadka  ku  dawakhay  iney  itoobiya  u  dhamaatey  waxaan  leeyahay , Walaalayaal  wadankani  waa  mid  qadiimiya  uguna  weyn  qaarada  afrika  dhinaca  da,ada  sidaa  darteed dhicimeyso  waxaad  ka  war-wareysaan  ee  ku  aadan  bur-burka  qaranimo  ee  itoobiya  isla  markaana  Geeska aafeeya, Waase  arin  qorsheheedu  afrika  ka  da,a weyn  yahay  sidaa  awgeed  looma  baqayo  wadanka  itoobiya  waanen  u  ducaynanaa.

Qalinka: C/raxmaan  Sayid  Faarax(Jeesto)
Diplomatic  Annalism.
Gabiley/Somaliland.

COMMENTS