BALIGUBADLE MEDIA
Dalka Itoobiya oo Xaalad Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay Kadib Iscasilaadii Raysalwasaare Hailamarian Deselenge
February 17, 2018 - Written by admin

War laga sii daayey warbaahinta dawlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in Golaha wasiirada dawlada Itoobiya  ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen xaalad deg deg ah oo wadanka la galiyey, taas oo socon doonta mudo ku siman sadex bilood oo xidhiidh ah.

calanka ethiopia
Warka ka soo baxay golaha wasiirada dawlada Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaaladan deg deg ah ee wadanka lagu soo rogay looga gol leeyahay sidii loo ilaalinn lahaa dastuurka, nabad galyada iyo xasiloonida dalka Itoobiya.

Golaha wasiirada dawlada Itoobiya ayaa sidoo kale soo bandhigay sababaha keenay in

wadanka la galiyo xaalad deg deg ah, waxaanay warkooda ku xuseen in rabshadihii dhex maray qaar ka mid ah qoomiyadaha ku wada nool dalkaasi ee dhimashada  dadka rayidka ahi ay keeneen in xaaladan la soo rogo.

Raysal wasaarihii dalka Itoobiya ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii raysal wasaare-nimo iyo kii gudoomiyaha xisbiga EPRDF, waxaana haatan lagu hawlan yahay sidii wadanku raysal wasaare cusub u yeelan lahaa.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS