BALIGUBADLE MEDIA
Ciilmooge oo ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland
February 27, 2018 - Written by admin

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo horay u soo noqday Wasiirka duulista Hawada Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

ciilmooge

Cabdullaahi Ciilmooge ayaa maalmihii ugu danbeeyay ka wadey magaalada Muqdisho iyo Nairobi kulamo iyo shirar ka dhan ah maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Jubbaland sanadka 2019ka.

Kulan magaalada Nairobi uu kula yeeshay waxgarad, odayaal iyo aqoonyahanada ka soo jeeda Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay u baahan tahay in xilligan uu ka dhaco is bedel la taaban karo.

Waxaa uu ugu baaqay hoggaanka hada jira in ay ogolaadaan in lala tartami, si hadii laga guuleysto loola shaqeeyo, hadii laga guuleystana fikir cusub oo wax dhisaya deegaanka lagu soo kordhiyo.

Madaxweynaha xiligan ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa mar kale u muuqda shaqsi doonaya in uu sii adkeysto xilkiisa, inkastoo ay jiraan siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Jubbaland oo horkacayo olalahan isbadal doonka.

Jubbaland ayaa ah deegaan dhaqaale ahaa marka la eego isku filan, magaalada Kismaayo ayaa leh deked ay ka socdaan howlo ganacsi oo baaxad leh marka laga soo tago Muqdisho iyo Boosaaso.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS