BALIGUBADLE MEDIA
Burco Maayar Bay Rabtaa W/Q Garyaqaan Zakarie Sulub Akaash
February 19, 2018 - Written by admin

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Ugu Horrey Shacabka Somaliland Iyo Saxaafadda Xorta ah ee Madaxa Banaan Gaar ahaan Dadweynaha Reer Burco waxaan ku salaamayaa Salaanta Islamka Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.

Bacda Salaan Waxaan usheegayaa dhamaan Shacabka Somaliland Khasatan Dadweynaha Reer Burco in Burco U Baahan Tahay Maayar Daacad Ah,Hawlkar ah,Firfircoon Bulshadana Isku wadi kara, Xalaal Miirad ah Shacabkana Dhiigooda Jaqin lafahoodana Cunin.

21 Xildhibaan Ee Golaha Deegaanka burco dhamaantood lama Odhan karo waa tuug, waxa ku jira oo laga helayaa rag maayarka uga lexejeclo badan magaalada iyo waddankaba Shacabkuna jeclaan lahaayeen in halmar riyadoodii ahayd maayar burco isku wada oon kala wadin yeeshaan.

Hadaanu Nahay Aqoonyahanka ah waxaanu rabnaa maayar cusub oo burco yeelato inta ka hadhay wakhtiga, si ugu yaraan khaladaadka tiro beelay ee maayar muraad mid uun ka saxo dhabadii toosnaydna kusoo celiyo.

Maayar muraadna waxan lee yahay intaas ilaahay kaaga calfay xaaran iyo xalaalba ku jooji.
Halmarna isku day in aad shacabkaaga utudho. Adiga iyo shacabka burco waad is barateen ee fadlan manta waxay sharafi kuugu jirtaa in aad is casisho intaan lagu casilin.

Golaha Deeganka Burcana Waxan Lee Yahay war idinkaa Ina muraad soo ciyaarsiiyay oo shacabka barayee khaladka ugu weyna lehe, bal mantana mid cusub noo keena oo ka duwan sidii ninkii hore.

Ugu danbayn riyadeenu waa burco oo hesha maayar dib usoo nooleeya bilicdii burco lahayd; Isla markaana  dawladeeda hoose maayarkeedu labada gelinba dhex fadhiyo oo adeega bulshadiisa aan marnaba ka daalayn.

Wa bilaahi Tawfiiq

Garyaqaan zakarie Sulub Suleiman  Akaash
Bachelor Degree Of Law  (LLB)
Bachelor Degree Of Economics and political science

Gudoomiyihii Ololaha Dhalinyarada Waddani Ee Togdheer.
Gudoomiyaha Dalada badbaadaa Dhalinyarada Ee (SOYSO)
Xubin Golaha dhexe ee waddani
Xubin ururka qareenada ee (SOLLA)

COMMENTS