BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda muuse iyo xaaladda dalka. wasiiradda cusub iyo Nadaamkooda shaqo Hogaanka dhaqanka iyo meeqaamkooda mustaqbalka iyo maamul xumada/wanaagga by. Adan Nokia
January 19, 2018 - Written by admin

Xukuumaadda cusub ee Madaxweyne muuse Biixi,waxay la kulantay ama dhaxashay duruufo badan oo adag ,hanoqoto xagga dhaqaalaha dhaqanka iyo siyaasadda,waxaa u sii dheer is beddelada kale ee dunida iyo jaarka ka socda oo waayaheeda leh,waxaa markaa laga rabaa inay ka fekerto sidii looga dabbaalan lahaa duruufahaa iyo isbedelladaas qorshe cadna looga yeelan lahaa,iyadoo lala kaashanayo cid kasta oo tognaan soo kordhin karta.

Wasiiradda cusub ee madaxweynuhu magacaabay waa muraayadda iyo miqyaaska lagu cabbirayo xukuumadda,tallaabadda ugu horraysa ee ay qaadayaan ayaa lagu cabbirayaa xukuumadda,waxaa looga baahan yahay inay hufnaan iyo taxadir ku bilaabaan shaqada,xogta iyo taladana badsadaan,la kaashadaan dadka shaqada ugu horreeyey ama aqoon fiica u leh,xukuumadii siilaanyo wasiiraddii ugu horreeyey waxay ahaayeen nukhbo (haldoor) waana intay ku ciidamisay,in kastoo ay xaggii dambe ka dhimatay oo nadaamkii dawladnimo meesha ka saartay ayna adkaan doonto sida loo saxo.
Wasiiradan qudhooda waxaa ka muuqata hufnaan badan iyo dadaal firfircoon,laakiin waa inay taxadar badan sameeyaan,yaan la kufin,waxaa igu maqaala ah,wasiirkii warfaafinta,kii kalluunka,kii isgaadhsiinta,iyo kii biyaha mid waliba wuxuu ka bilaabay waxbaan joojinayaa iyo waxbaan awdayaa,waxan leenahay waar bal iska hubiya,xagga sharciga iyo awooddiina,xagga qorshaha,xagga waxyeeladda iyo waxtarka  xagga dhacsiinta iyo wacyigelinta bulshada;(hadalkani waa toosin,durid maaha)
wasiiradda arrimaha bulshada iyo dhawr wasiiro oo kale dhaq-dhaqaaqoodu ma xuma,ilaa hadda ,kuwaas iyagana  waa in la dhiirrigeliyo,markay khaldamaana la toosiyo,
qolyaha maakhirigu waxay dhahaan “deg-deggaynaga reebban” looma baahna wasiir colaad iyo rabshad markiiba abuura,waa in laga fogaado colaado iyo dagaalo,xaaladda Soolna waa in wadahadal lagu dhameeyo.

Hogaanka dhaqanku wuxuu ahaa meesha keliya ee Soomaalida u bedqabtay iyo rajada mustaqbalka ee badbaadada bulshada,waxay ahaayeen taariikh ahaan tiirarka lagaga soo gudbay hadimooyin iyo shirqoolo badan oo gumaystayaashii iyo dhagar qabayaal badani u qooleen ummadan,Soomaalida waqooyiga iyo koonfurta midna lama gumaysan,heshiis baa lala galay iyagaana is maamuli jiray,waxaa u talin jiray labeentooda sidaasaa gumaystayaasha lagu wada joogay,barmaamij aanay ogolaan lama fulin jirin.
waqtigii xornimada wixii ka dambeeyey waxaa taladii gacanta ku dhigay dad aan hagaagsanayn,qolyihii labeenta ummadda (madaxdii dhaqanka,culimaddii iyo taloqabeenkii kale ) waa la riixay laakiin,lama wada xoorin,sidii ayaana talada loo weydiin jiray,waxay wax tari jireen oo madax u ahaayen bulshooyinkoo dhan(not their tribe only )
hogaanka dhaqanku isagaa ka sarrayn jiray  siyaasiga,
maanta waxaynu arkaynaa hogaan dhaqan oo siyaasigii sida kabaha u gashaday oo ku shaqaysanayo iyo mid gelinba af ku hadalaya,maxaa dhacay ?waxaa kow ka ah in ay dhaxaltooyo noqotay oo mid liitaa helayo,ta labaad Copy ayaa la sameeyey,ta saddexaadna waa dhaqaala xumo malaa, tan saddexaad ku dhaqanka shareecadda oo ku yar qaarkood.
hoggaanka dhaqanka siyaasadda lagama fogayn karo waa inay taladda dalka wax ku yeeshaan iyagaa la aamini karaa,laakiin iyaguna ha ogaadaan in aan reer iyo dawladnimadu meel wada gelin,qabyaaladda iyo dawladda mid uun baa dhimanaysa.
Talo ahaan hogaankii dhaqanka waa in dib loo dhiso,diintana ay bartaan.

Mustaqbalka Horumarka iyo dibu-dhaca ummada waxaa laga eegi karaa, maamul-wanaagga iyo maamul-xumadda,waxay ku xidhan tahay hoggaanka dalka iyo sida loola shaqeeyo,Madaxweyne muuse biixi waa nin wax badan og, si fiica ayuu u fahansan yahay carqaladaha horyaala iyo sida looga gudbi karo,in badana wuu ka dhawaajiyey, waxaa markaa loo baahan yahay inuu furayaashoodii saxa ahaa ku furo  ,bulshaduna waa inay taageerto oo la tijaabiyo,  Madaxweyne MBC wuxuu sheegay inuu xor yahay oo aanu la hayste ahayn,dad badanina taladaa waa siiyeen,waxaa kaloo hadaladiisii ka mid ahayd “Maxaa madaxweynaha loo nacaa markuu kursiga fuulo”? (This was the homework he has given some university students ) taas jawaabteedu waa xil gudasho la’aan waxaana ku kellifaya inta badan xor maaha,deyn baa lagu leeyahay,caddaaladna lagama filan karo,aakhirkana waa Guul-darraystaa.
Madaxweynuhuu waa inuu xor noqdaa isla markaana dadka la tashadaa intaa Qur’aanka ayaa lagu sheegay (that is the real leadership).

Hadduu ogyahay qofka masuulka ahi su’aalaha aakhiro kaga horreeya iyo waxa damadiisa saaran,kursiba ma doonteen,xaalka maantuna waa ka sii daran yahay,qolaal kun oo qof ayaa gaajo la il daran,boqolaal dhallin-yaro ah oo wax bartay ayaa mustaqbal u baahan,iyagana dalku u baahan yahay,waa gabaygii ahaa (Geed baan gadhkii ku arkayaa:Geedna farihiiye ninkii kay isugu geeya…….)
waxaa loo baahan yahay daacadnimo,midnimo iyo waxqabad,haddii kale waa ijiid aan ku jiidee iyo sir maxalak(in arabic).

Allaah haloo hogaansamo,hana la isu kaalmaysto samaha iyo Alla ka cabsiga ,yaan la isu kaalmaysan xumaanta iyo cadaawadda sida uu qur’aanku inoo sheegay.

by :Adan Nokia               [email protected]

COMMENTS