BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Muuse Biixi Maka Dhabayn Doontaa Weedhihii La Dagaalanka Musuqmaasuqa ee Ay Ololaha Ku Gashay ?
January 1, 2018 - Written by admin

xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo madaxwayne muuse biixi ayaa wakhtigii ololaha Doorashadda lagu xusuustaa weedho ka dhan ah musuqmaasuqa oo ay ololaha ku gashay iyadoo bulshadda u sheegaysay inay cidhib tiri doonto musuqmaasuqa iyo shakhsi kasta oo caadaystay

kornayle muuse

hadaba mudooyinkii u dambeeyay wuxuu khilaaf ka taaganyahay golayaasha deegaanka berbera, hargeysa, iyo gabiley kuwaas oo masuuliyiinta dawladda hoose isku hayaan arrimo maamul iyo musuqmaasuq kaas oo ay qaar kamida maayaradani caadaysteen mudadii ay xilka hayeen islamarkaana ay waayeen masuuliyiin kula xisaabtanta masuuliyadda ay hayaan

iyadoo xukuumadda cusub  ololihii doorashadda ku gashay weedho ka dhan ah musuqmaasuqa ayaa laga dhursugayaa inay go’aan cad ka qaadato masuul kasta oo musuqmaasuq lagu helo iyo inay qaraabo hiil iyo cadaalad darro kula safato masuuliyiintaas fadeeaxada foosha xumi dul hooganayaan.

hadii xukuumadda cusub si cadaaladi ku jirto uga hawlgali waydo khilaafyadaas oo ay kaga dhabayn waydo balanteedii ahayn la dagaalanka musuqmaasuqa islamarkaana ay waddo kale marto waxay noqon doontaa xukuumad ka sii liidata tii ka horaysay ee madaxwayne siilaanyo dhamaan balamihii ay qaadayna waxay noqon doonaan hal bacaad lagu lisay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS