BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumada oo Awaamiir Culus Dul Dhigtay Shirkada Maamusha Marsadda Berbera Ee DP World
January 28, 2018 - Written by editor

Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo wali kuk hawlan xalinta sicir bararka dalka ka jira ayaa soo saartay go’aamo la dul dhigay shirkada kala duwan oo loo aanaynayo inay lug ku leeyihiin dhibaatada jirta.

dp world3

Shirkadaha la dul dhigay go’aamada culus ayaa waxa ka mid ah shirkada gacanta ku haysa maamulka dekeda Berbera ee DP World, taas oo xukuumadu ku amartay inaanay lacagta ka soo baxda dekeda ka saarin dalka.

Wararka ayaa sheegaya in xukuumadu ay shirkada DP World ku amartay inay sanduuq xisaabeed ka furato baanka dhexe ee somaliland taas oo looga baahan yahay inay dhigato lacagta ka soo xaroota dekeda Berbera.

Sidoo kale shirkada DP World ayaa lagu amray inay ka soo wareegto sanduuq xisaabeedyada uga furan baananka gaarka loo leeyahay isla markaana lacagta uga soo xaroota dekeda ay si rasmi ah ugu shubto baanka dhexe ee somaliland.

Wakiilada shirkada Dp World u qaabilsan dekeda magaalada Berbera ayaa ilaa hada ka hadal sida ay u arkaan amarka ay xukuumadu dul dhigtay.

Wasaarada maaliyada somaliland ayaa sidoo kale lagu amray inay baanka dhexe ku wareejiso lacagta doolarka ah ee u taala sanduuq xisaabeedka uga furan baanka.

Xukuumada oo wali ku hawlan xal u helida dhibaatada sicir bararka ayaa damacsan inay xoojiso shaqooyinka uu baanka dhexe qabanayo si uu awood ugu yeesho inuu maamulo suuqyada lacagta ee somaliland.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS