BALIGUBADLE MEDIA
Xildhibaanada Golaha Guurtidu Oo Fadhi Deg Deg Ah Loogu Baaqay Iyo Sababta Keentay
January 9, 2018 - Written by admin

Shir gudoonka golaha guurtida somaliland ayaa go’aansaday inay fadhi deg deg ah iskugu yeedhaan xildhibaanada golahaasi oo fasax ku jira.
guurtida
Kulan ay albaabadu u xidhnaayeen oo  shirgudoonka golaha guurtidu ku yeesheen xaruntooda ayey isku raaceen in wakhti xaadirkan loo baahan yahay fadhi deg deg ah oo ay iskugu yimaadaan xildhibaanada golaha guurtidu.

Xoghayaha guud ee golaha guurtida somaliland  Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa ka hadlay kulanka ay yeesheen shir gudoonku iyo waxyaabaha ka soo baxay “Shir uu yeeshay shir gudoonka golaha guurrtidu waxa uu ka soo saaray qoraal lagu dalbanaya in dhamaan xildhibaanada golaha guurtidu ay iskugu yimaadaan xaruntooda maalinta arbacada ah ee bishu tahay 10/01/2018, kaas oo lagaga hadli doono arimo muhiim ah oo ay kamid yihiin arrimo colaadeed oo ka taagan gobolka sool iyo goboladda bariga.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS