BALIGUBADLE MEDIA
Waxaa baadhis iyo dabo gal u baahan liisamada iyo xaqul qalinkii 18-ka shirkadood ee dalka batrolka iyo macdanta ka baadha.
January 6, 2018 - Written by admin

Mudadii xukuumadii dhacday ee Kulmiye ay dalka hagaysay waxay liisamo siisay ilaa iyo 18 shirkadood oo kala ah kuwa shidaalka iyo macadanta baadha waxaana ay shirkadahaasi  dhul baaxad leh u qaybsadeed xidhmo xidhmo ama ( Block by Block ) sida caadiga ah marka shirkadaha liisan la siiyo waxay bixiyaan lacagta xaqal qalinka ah ee loo yaqaan ( Bonus Money ) taas oo badhkeed loogu talo galay in degaanada baadhitaanku ka socdo lagu horumariyo oo wax loogu qabto oo dib logu celiyo taasina  Somaliland marna kamay dhicin oo lacagihii shirkadahaa laga qaaday iyo liisamadii shirkadaha la siiyey hayadihii ku shaqada lahaa sida Baarlamaanka warkooda ma hayaan sidaa daraadeed waxaa Hanti dhowrka guud  u baahan yahay in uu helo xogta shirkadahaa oo sugan.

Waxaa nasiib daro ah in 7-dii sanadood ee xukuumadii dhacday ee musuq badan ay dalka hagasay in 18 kan Shirkadood ee hoos ku taxan ay dalka degel-degel u qaybsadeed oo dayaarad ku sawirteen  taas oo aan weli Golaha Baarlamaanka la hor keenin qandaraasyadii ay dawladu la gashay shirkadahaas.Waxaana ka mid ah shirkadahaa :  Genal Energey,  DNO, ASDAN, RAK-GAS, AVEAL, ASANTI OIL, ORPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA,  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP, Shirkada ugu dhulka balaadhan ee dhawaan dalka howsha sahaminta ka bilowday dhawaan ee dadka abaaruhu saameeyeen boodhka ku liqday waa shirkada cusub ee BGP ( China National Petroleum Company ). oo dhul baaxadiisu dhan tahay 700 km liisan loo siiyey.waxaa jirta iyana Hayada balaadhan ee  DFIT ( Department of international Development ) taas oo iyana wada 6 mashruuc oo waaweyn oo tamarta qoraxda ah oo iyana hoos yimaada  wasaarada macdanta iyo tamarta oo iyana u baahan in hanti dhowrka guud  ogaado cida la siiyey  mashaariicdaas aan sifaha daaha furan lagu bixin.  Waxaa iyana dabo gal ubaahan Shirkada Chiniska ah ee Buuraha Simoodi fadhateysta taas oo laga dhawaajiyey in  ilaa iyo hada ay 3 container oo min 20 feet ah oo keliya oo qiimahoodu dhan yahay $20 kun oo dollar oo cashuur ah ay dawlada u soo xareeyeen.

Shirkada Genel Energy waxay qiratey 2013 kii in ay ilaa iyo $ 45 million doolar dib ugu celineyso Degaanadii ay boodhka ku liqday ee ay Shidaalka ka baadheysey. ilaa iyo mudadii dheereyd ee Wasiirkii madhace uu wasaaradda Macdanta iyo Tamarta uu xuurtada ku haystay waxa uu qirtay in uu $5 Million oo dollar oo keliya uu khasnada dawlada ku shubay.waxaase laysku raacay in lacagta la lunsaday ay ka  badan tahay lacagtaa uu qirtay in uu khasnada ku shubay.

Waxaa iyana jira 4 shirkadood oo iyagana la siiyey Liisanka Macadan baadhista, ku waas oo loo baahan yahay in iyana xogtooda laga  dabo tagto oo la helo. Waxaa dhawaan  Wasiirkii dhacay afkiisa laga guntay in shirkadahaasi ay howsha wadaan  oo hada  wada yihiin ( active ) .

Hadii ay ka dhab tahay in Madaxweyne Muse biixi Abdi in uu la dagaalamayo musuq-maasuqa iyo ku tagri falka illaha dhaqaalaha iyo hantida maguuraanka ah ee qaranka, Hadii uu doonaayo in uu shiishka la helo horumarka buugiisa cagaaran ku qoran. Hadii uu doonaayo in uu jiho cusub u jeexo dawladiisa cusub kana dhabeeyo balanqaadyadiisa tirada badnaa ee uu codka iyo cuudkaba shacabka kaga helay. hadii ay ka go’an tahay in uu guulo deg-deg ah gaadho waa in uu musuq-maasuqa xididada u siibaa dibna loo soo celiyaa hantidii guurtada iyo maguuraanka aheyd ee ummadda laga dhacay. Hadii kale waxaa sii bacrimi doona musuq-maasuqii, maamul-xumadii iyo xilkasnimodaradii xukuumada kulmiye lagu yaqaanay.

Waxaab qormadan ku soo garoocayaa ”  Anigu Daaha kama rogin ee dadkuba wuu Arkaayaa ”  !

La soco qaybaha danbe …….. !

Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS