BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyadda oo Ku Dhex Asqaysan Hawlaha Wasaaradda Iyo Ciyaartoygii Ku Ciyaari Jiray Magaca Wasaaradda oo uu Sharci Darro Ku Kala Diray.
January 21, 2018 - Written by editor

Wasiirka cusub ee wasaarada horu marinta maaliyada somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa go’aan ku gaadhay inuu kala diro kooxda kubada cagta ee ku ciyaarta magaca wasaaradaasi.

wasiirka maaliyadda

Kooxda ku ciyaarta magaca wasaarada horu marinta maaliyada oo ka mid ahayd kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan caasimada Hargeysa ayuu wasiirku sheegay inaanay ku sii ciyaari doonin magaca wasaaradaasi isla markaana aanay ka sii qaadan doonin gunadii la siin jiray ciyaartoyga oo aan si rasmi ah ugu jirin shaqaalaha dawlada.

wasiirka maaliyada ayaa sheegay inuu go’aankan gaadhay isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu ka noqdo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan xidhiidhka kubada cagta somaliland ay wasiirka maaliyada ugu tageen xafiiskiisa, kuwaas oo wax ka waydiiyey go’aankan uu gaadhay ee laf jabka ku ah ciyaaraha dalka, waxaanay wasiirka kala soo noqdeen hungo, isaga oo ku war geliyey inaanu ka noqonayn go’aankaas uu gaadhay.
isku soo wada duuboo wasiirka maaliyadda ayaa wali ku dhex asqaysan hawlihii shaqo ee wasaaradda waxaanu wali ku jiraa dagaal beelaysan oo uu ka dhex waddo gudaha wasaaradda isagoo ugaadhsanaya beelo gaar ah oo reer hargeysa ah

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS