BALIGUBADLE MEDIA
Wasiirka Maaliyadda oo Durba Qorshe Beelaysan Ka Dhex Istaadhay Wasaaradda Iyo Balanqaadkii Madaxwayne Muuse Biixi oo Meesha Ka Baxay
January 17, 2018 - Written by editor

wasiirka maaliyadda somaliland ayaa durba bilaabay inuu cadaalad darro iyo eex ka dhex istaadho wasaaradda uu maamulo ee maaliyadda waxaanu durba markii uu la wareegay maamulka wasaaradda bilaabay inuu qabyaalad iyo cunfi ka dhex istaadho gudaha wasaaradda isagoo markiiba boosas muhiima ka qaaday beelihii haystay islamarkaana isla boosaskaas muhiimka ah u dhiibay dhawr xubnood oo beeshiisa ah kuwaas oo uu midna boos uga dhiibay waaxaha wasaaradda midna uu siiyay boos uu beel kale uga qaaday oo ahaa booska cashuuraha bariga wasiirka ayaa u muuqda inuu si gaara u badhtilmaameedsanayo beelaha qaar.

wasiirka maaliyadda

wasiirka oo muddo gaaban joogay wasaaradda ayaa durba laba boos oo muhiim ah wasaaradda qaybaheed kala gadisan uga boobay beeshiisa waxaanu kala siiyay booska cashuuraha bariga iyo boos kale oo kamida waaxaha wasaarada

isku soo wada duuboo wasiirka cusub ee maaliyadu wuxuu shaqadiisii u horaysay ku kawsaday inuu qobqob iyo qabyaalad la soo galo wasaaradda isagoo durba meesha ka saaray balanqaadkii madaxwayne muuse biixi ee ku aadanaa la dagaalanka qabyaaladda, cadaalad darrada iyo eexda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS