BALIGUBADLE MEDIA
Sidee looga bixi karaa dhibatada sarafika lacagaha qalaad: W/Q Mukhtaar Cabdi Cilmi
January 15, 2018 - Written by admin

Isku badalka lacagata dalka( Local currency) iyo lacagaha qalaad( foreign currency ) waa
mid ka jirta dunida dhamaanteen iyado ay jirto lacago loo aqoonsady inay yihiin lacago
caalami ah oo lagu isticmaali karo suuqayada caalamiga sida U.S.dollar oo loo
aqoonsaday sanadii  1944, in uu noqdo lacagta addunka laga isticmalo ( Global currency),
Euro waxay ka mid tahay lacagaha calamiga ah taas oo ay isticmalaan badi wadamada
midawga yurub iyo suqayada caalamka , Pound sterling laga leyahay dalka Uk aya
iyna ka mid ah lacagaha calamiga ah ugu dambayntii 2015 ayaa lagu daray lacagta dalka
shiinah Chinese renminbi inay ka mid noqoto lacagaha caalamiga ah.

Hadaba dalkenan Somaliland waxaa laga isticmalaa lacago kala duwan kuwaas oo isugu jira
lacagaha aan kor ku soo xusanay iyo kuwo ay leyihiin wadamada jaarka ee ay ina dhex
maraan xidhiidhada ganacsi sida dalka Ethoipia, lacagta ugu samaynta badan ee laga
isticmala dalkeena oo ah U.S. dollar ayaa waxay ka awood badaty lacagtii dalku lahaa adoo
arkaya in suuqayda dalka oo dhan wax lagaga iibsado lacagta dollarka halkii ay ahayd inaan
wax ku iibsano lacaftii dalku lahaa ee somaliland Shilling.
Bal aynu dib u yara milicsano hererkii kala duwanaa ee ay isla soo mareen isku badalka
dollarka iyo shilling somaliland.
Somaliland shilin waa lacagta laga isticmaalo Somaliland Waxa la hirgaliyay daabacaadda
iyo isticmaalka lacagtan, 18 Oktoobar 1994. Waxa ay ka kooban tahay lacagta Somaliland
waraaqo iyo biro kal ah sidan soo socota 1, 5, 10, 20, 100, 500, 1000 iyo 5000 iyadoo aad
moodo in laga guuray 1 ilaa 100 shilling hadana aad arkayso in la isticmaali 500 ilaa 5000
oo Shilling taas oo ah arin dhibkeeda leh in lacagtii dalka badh laga guuro taas oo dhiiri
galisay sixirbararkii mar hadii shaygii ugu yaraa lagu iibinayo 500 shilling
Halkan aan ku soo bandhigno tusaalayaal sanado kala duwan iyo siduu ahaan jiray sarafika
dollarka iyo shilling Somaliland sanado badan oo hore ilaa maanta

sanadadii Dollar Somaliland shilling
2000 – 2008 $1 4,550 – 7,750 Shilling
2008 – 2018 $1 7,750 – 10,000 Shilling

Waxaa intaas marwalba garab socda qiimaha loo yaqano gacanta dambe oo iyadu ka badan
ta hore marwalba iyadoo manta tagan$100 ka tagan yahay suuqa sarifka 1,030000
Shilling Halkaas waxaa inooga cad isbad badalka uu sameyey saraifka dollarka iyo
shillingka somaliland kaas oo aad subax walba ku soo tosayso qiimo cusub oo sarafika
lacagaha ah tana waxay dhib baahsan ku keenty muwadininti danyarta ahaa ee ku noolaa
dalka kuwaas oo marka uu shillinka somaliland uu hoos u dhaco aad suuqayada dalka ka
daremaysid sixirbarar baahsan kaas oo laga dareemo guud ahaan dalka oo dhan.
1 Hadaba suaasha tagani waxaa weye yaa ka masuula isbad badalkaa aan kor ku soo
sheegnay ?
2 yey masuuliyadeeda tahay inay wax ka qabato dhibatadan soo noq noqonaysa ?
3 Sidee looga bixi karaa caqabadan soo noq noqoty ee isbad badalka sarifka ah?
Jawaabaha su,aalahan kor ku xusan:
1 Bangiga dhexe ee somaliland oo lahaa awooda isku badalka lacagaha qalaad iyo ta dalka
oo aan si buuxda hawshaa gacanta ugu dhigin iyadoo taa badalkeeda ay jiraan kooxo jeeb
waynayaal ah kuwaas oo kolba ka faa,iidaysta xadiga lacagaha ah ee suuqa ku badan kana
go,aan qaata inay kiciyaan hadba lacagta suuqa ku yar , iyagoo adeegsanaya sariflayaasha
2 Bangiga dhexe  dawlada wuxu uga masuul yahay, daabacaadda lacagta iyo kaydinta
lacagta dawladda sidaa daradeed waa inuu maamulaa xadiga dollarka iyo shilling ee suuqa
ku jira sidaa daraded marka uu bato xadiga cash suuqa ku jiraa ha soo daayo lacag dollar
isla mar ahantana ha xareyo xadi Cash somaliland shilling si laysugu miisamo xadiga
lacagaha suuqa ku wada jira
3 Bangiga dhexe  dawlada waa inuuu ka warhayaa xadiga electronic money Dollar ah ee
suuqa ku jira si uu ugu xisaabtamo xadigeda

4 Waa in Bangiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsigu la kulmaan
dhamaan shirkadaha is gaadhsiinta, iyaga oo ku soo rogaya in lacag ku shubashada qaybta
hadalka laga dhigo Shilinka Soomaaliland. Waxa kale oo loo baahanyahay in ay si gaar ah
ula kulmaan shirkadaha leh Adeega lacag ku keeydsashada mobilada (zaad iyo eDahab),
iyagoo ka dalbanaya in aay kordhiyaan qeeybta keeydka ee Shilinka Soomaalilaan, taas oo
imika ah 750,000, gaadhsiiyaana ilaa 8 milyan, meeshana ay ka saaraan lacagta doollarka
ah, macaamishoodana ka dalbadaan in lacagohooda kale ay ku kaydsadaan bangiyadooda.
5 Xawaladaha dalku haku bixiyaan shilling somaliland ugu yaraan kalabadh lacagta loo soo
diro ee ku jaangoysan Dollarka taas oo dhiri galinaysa adeegsiga shilling somaliland
6 waa in dhamaan cashuuraha dalka lagu bixiyaa shillinka somaliland si loo kiciyo
isticmaalaka shillinka somaliland
7 Guud ahaan gobaha waxbarashada iyo adeegyada cafimadka waa in lagu qabtaa shillinka
somaliland halki dollarka lagu qaban lahaa si loo yareeyo awooda dolarka
8 Gudiyada dawlada ee loo xulay xalinta dhibatada sixir bararka waa in lagu daraa niman
dhaqaalo yahana oo si cilmiyaysan ugala taliya gudiyada xalinta dhibatadan baahsan

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(BA Economics and MBA Accounting and Finance, Mount Kenya University)

[email protected]
00-252- 634241542

COMMENTS