BALIGUBADLE MEDIA
Shirkad Ingiriis Ah Oo Somaliland Ka Beertay Khudrad Loo Adeegsaday Biyaha Badda
January 25, 2018 - Written by admin

Hay’adda Seawater Greenhouse, ayaa sheegtay inay ku guulaysatay khudrad lagu beeray biyaha badda gudaha Somaliland oo soo go’day.

Hay’addan oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa soo bandhigtay Tamaandho, Basal, Kaabash iyo Qaji lagu beeray goob loogu talogalay, isla markaana lagaga ilaaliyey marro qoyaanka hawada.

Adeegan oo SeaWater markii koowaad ka hirgelisay Geeska Afrika, ayaa tilmaantay  inay mashaariic noocan oo kale ah hore uga  fuliyeen Australia, Abu Dhabi iyo Cumaan oo ay adeegsadeen muraayado ayey sheegeen inay u isticmaaleen maryo, taasoo toban laab hoos u dhigtay kharashkii ku baxay mashaariicdii hore, isla markaana ay cimilada Somaliland ku habboon mashruucan, siday  xaqiijisay  Greenhouse.

khudaar

Hay’adan ayaa intaa raacisay inay gacan ka geysanayso dib u soo kabashada dhulka u dhow qoyaanka meeshan dhirtu soo saartay, taasoo ku dhiirigelinaysa beeralayda inay beertaan digirta iyo xabxabka bannaanka goobtan guryaha lagu koriyo khudrada.

Somaliland oo dalalka dunida u dakhliga yar ka mid ah, oo boqolaal dadkeeda ka mid ahi  baahi u qabaan gargaarka biyaha iyo cuntada, saamaynta abaaraha awgeed.

Gudoomiyaha Seawater Greenhouse, Charlie Paton,  ayaa sheegay in qorshahiisu keliya aanu u dadka sahlayn helitaanka dakhli nololeed, balse xalinayo saamaynta biyo yaraanta dunida.  “Baahida biyaha ayaa masiibo caalami ah, oo si weyn u sii xumaanaya,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray  “Sidoo kale isbeddelka cimilada. Habkan ayaa loo adeegsan karaa goob kastoo caalamka biyo la’aani jirto ama biyaha macaani  aanay ka  jirin.”

Mr. Paton ayaa xilligan doonaya inuu ballaadhiyo mashruucan oo uu gaadhsiiyo  hal hiktar ilaa shan hiktar, inkastoo uu raadinayo maalgashade ka caawiya. “Mashruucan guulaha laga gaadho waxay ku xidhnaan doonaan siday wax ugu yeeshaan dadka gudahu,” ayuu yidhi.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS