BALIGUBADLE MEDIA
Ruushka oo Diyaarad Ku Duqan Gaadhay Mid Kamida Diyaaradaha Wax Basaasa ee Maraykanka
January 30, 2018 - Written by admin

Diyaarad miig ah oo nooca dagaalka ah oo uu Ruushka leeyahay ayaa aad ugu dhawaatay diyaarad uu Maraykanka leeyahay oo ah kuwa wax basaaso oo ku sugneyd hawada sare ee badda madoow.

afp

Farqiga masaafada ee labada diyaaradood ay isu jirsadeen ayaa ah 1.5 mitir oo kaliya, taas oo ah arrin halisteedu badantahay, kana dhalan kartay in ay labada diyaaradood isku dhacaan.

Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradda Ruushka ay tooda dabo socotay muddo 2 saacadood ah, balse Ruushka waxa uu sheegay in aysan jirin wax qalad ah oo dhacay.

Arrintan ayaa waxa ay ka dhacday hawada caalamiga ah, halkaas oo ciidamada Ruushka iyo kuwa NATO ay ku wada suganyihiin.

Maraykanka waxa ay sheegeen in diyaaradda Ruushka ay soo gashay qadkii ay ku duuleysay tan Maraykanka, waxayna Ruushka ugu baaqeen in ay ku dhaqmaan shuruucda caalamiga ah ee isticmaalka hawada iyo ka hortagista suurtagalnimada shilal dhaca.

Ruushka ayaa taas kaga jawaabay in diyaaradooda ay ku socotay qadadka caalamiga ah, islamarkaasna duuliyeyaasha ay isku dayayeen in diyaaradda Maraykanka aysan kusoo xad gudbin hawada Ruushka.

BBC

COMMENTS