BALIGUBADLE MEDIA
Qowlaysatada Arxanka Daran ee Somaliland ka Jirta iyo Sida laysaga Qaban Karo
January 23, 2018 - Written by editor

Tiridoodu kama badna boqolkiiba hal (1%), haddana waxa gacanta ugu jira dhaqaalaha, siyaasada iyo masiirka ummada inteeda kale oo ah (99%). Awoodan ay kooxdani heshay waxay uga faa’iidaystaan dantooda gaar ah iyagoo aan u aabo yeelin maslaxada dadka intooda kale. Maqaalkani waxa uu isku dayi doonaa in uu ka jawaabo su’aalahan: waa kuwama kooxdan yari? Siday awoodooda uga faa’iidaystaan? Dadka intiisa kale maxay ku qanciyaan? Bulshada inteeda kale ee tirada badan maxaa hor taagan inay iska qabtaan kooxahan qowlaysatada ah?

big issue

Ilaahay ka sokow, waxaa Somaliland awoodeeda ku tagri fala saddex kooxood oo bulshada ka mid ah: siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka iyo ganacsatada waawayn ‘business tycoons’ oo isugayn aan tiradoodu ka badnayn boqolkiiba hal (1%) marka dadka intiisa kale (99%) loo eego. Kooxdan yari waxaan naftooda iyo dantooda ahayn kama fekeraan, cid walabana waxay jecel yihiin inay iyagu iska hor mariyaan. Nasiib darro, kooxahani waa dadkii ummada ugu ladnaa ee iska daa inay boobaane ay ahayd inay xoolahooda iyo aqoontooda ummada wax ugu taraan. Dadka muwaadiniinta ah ee aan saddexdan kooxood ku xidhnaynina waxay waayaan xuquuqdoodii aasaasiga ahayd sida in sharciga loo sinaado ama uu xoriyadiisa helo ama uu waayo,  inuu shaqo heli karo iwm.  Tusaale ahaan, haddii uu qof shaqo u baahdo mid dowladeed iyo mid gaar ahba waa inuu kooxahan abaan ka soo dhigto. Taa waxaa ka sii daran, haddii qof shaqaale dowladeedihi uu ka cabanaayo in xaquuqdiisii lagu xadgudbay halkii uu hiil u raadsan lahaa haya’daha dowliga ah sida Haya’da Shaqaalaha “Public Service Commission”, waxuu u tagayaa saddexdan kooxood mid ka mid ah, maadaama uuna kalsooni ku qabin nidaamka dowliga ah. Si aad arinkan u fahamtid, tusaale ahaan, arday jaamacada dhigata ayaan waydiiyey su’aalahan:

1)      Haddii ay dowladu qaadanayso toban (10) agaasime waaxeed ‘department heads’, yaa helaaya marka lays barbardhigo dadka caadiga ah iyo dadka ay wataan siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka iyo ganacsatada waaweyn? Waxay iigu jawaabeen: waxaba waxaa qaadanaya dadka ay saddexdan kooxood wataan.

2)      Haddii ay dowladu bixinayso toban (10) qandaraas oo waaweyn, intee dadka caadiga ahi ka helayaa, intee baase ka helayaan saddexdan kooxood. Waxay iigu jawaabeen: intaba waxaa helaya saddexdan kooxood iyo cidii ay wataan.

3)      Haddii dowlada ingiriisku ay Somaliland siiso toban (10) deeq oo waxbarasho (scolarships), intee dadka caadiga ahi ka helayaan, intee baase dadka ay saddexdan kooxood wataan ka helayaan? Waxay iigu jawaabeen: intaba waxaa helaya saddexdan kooxood.

Haddii ay su’aalahaasi ku saabsanaayeen manfaca dalka iyo cida cunta, waxaan ardaydii waydiiyey su’aal kale oo taa lidigeeda ah. Waxaan waydiiyey: haddii rabshado dalka ka dhacaan, yaa rabshadaa iyo daganaansho daradaasi abaabulkeedu ka imanayaa, ma dadka caadiga ah mise saddexdan kooxood? Waxay iigu jawaabeen: waxay ka imanaysaa saddexdan kooxood. Sidaa darteed, waxaa wax lalo yaabo ah in dadkii manfaca ummada cunayey ay haddana noqdaan kuwa ay rabshad kastaa iyo qalolaase kastaa iyaga ka imanayo.

Si aad u fahamtid sida arxan darada ah ee saddexdan kooxood mid ka mid ah, tusaale ahaan, siyaasiyiinta Somaliland ugu tagri fasho xoolaha ummada waxaad dhugataa xeer Golaha Wakiilada ay ansixiyeen (Xeer 62/2013) oo u ogolaanay in marka uu xilku u dhamaado xildhibaanada Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida ay leeyihiin muddo sannad ah mushaharkood oo Wasaarada Maaliyadu ku bixinayso muddo saddex bilood ah. Mushaharka xubnaha Wakiilada iyo Guurtidu bishii waa U.S. $2,000 (Labo kun oo Dollar ka Maraykanka ah).  Waxaa kale oo xeerkani dhigayaa in marka uu xildhibaanka Wakiilada ama Guurtida ka tirsani uu xanuunsado ee xaaladiisii caafimaad dalka wax lagaga qaban kari waayo loo diro caafimaad debadeed oo ay dowladu bixiso.  Bal waxaad barbar dhigtaa xildhibaanka waxaan oo xuquuq ah leh askariga booliska ah ee mushaharkiisu bishii yahay U.S.$ 80 (Sideetan Dollar ka Maraykanka ah). Askarigani marka shaqada ka tago ma laha gunno la siinayo oo sannad mushaharkiis ah. Sidoo kale, haddii askarigan uu ku dhaawacmo hawlgalin ciidan, xaq iyo xeer u ogalaanaya in caafimaad ahaan debeda loogu diro ma jiro haddii dalka gudihiisa lagu daawayn kari waayo.

Dad tiro badan ayaa mar kasta isku daya inay kooxahan ka mid noqdaan. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa dad isu sharaxaya inay noqdaan Suldaan, Garaad, Caaqil iwm. Sidoo kale, waxaad arkaysaa dad raba  xil siyaasadeed sida wasiirnimo ama xildhibaan siday kooxdan ugu biiraan.

 

Sidee kooxahani Qowlaysatada Ahi Awooda Intaa Leeg Ku Heleen?

Waxaa haddaba is waydiin leh sidee baa boqolkiiba hal (1%) oo dadka ka mid ahi uu awooda inta le’eg (movers and shakers) ku helay? Waxay ku heleen inay dadka qabiil ku kala qaybiyaan. Kooxdan yar ee boqolkiiba halka ahi (1%) iyadu gudaheeda waa ka heshiis oo qabiil ama siyaasad kuma kala qaybsana. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa qof marba xisbi galaya ama iyagoo kala qabiil ah laakiin wada qoslaya oo meel shaah ku wada cabaya . Laakiin si aan loola xisaabtamin ayaa mid waliba markuu dadkiisa u tago isaga dhigaa inuu yahay halyey reerka wax u soo dhicinayey oo nimankii reer hebel xaqooda uga soo qaadayey. Tusaale ahaan, marka ninka madaxda ah lagu yidhaa maxaad muqusan u samaysay miyaanad xishoonayn, waxa uu ku jawaabaa sidatan: ” horta wax na waydii. Meeshan niman reer hebel ah ayaa cuni jiray oo markii aan waxoogaa reerkeena uga soo qaaday ee aan dhowr reerkeena ah shaqaalaysiiyey ayaa dacaayad lay samaynayaa, inagoo reer hebel ah ayaana laynoo jeedaa oo aan wax loo ogolayn!!” Waxaan arkay riwaayad (3:48-7:15) arinkan oo kale ka waramaysa. Oday la jooga islaantiisii ayay u soo gashay gabadh qaadka iibisa oo lacag ku lahayd. Markii islaantii qaadka iibinaysay ee daynta lahayd buuqday ayaa odayga islaantiisii lacagtii bixisay, odaygeedii baanay ku tidhi “miyaanay xishoonayn maxaad daynta isaga bixin wayday sow la odhan maayo, marwadaa odaygeedu dumarkuu qaadka kala baxsadaa?” Waxuu ku jawaabay odaygii “dee horta wax na waydii. Islaantan qaadka iibisaa beryahanba way igu dul wareegaysay oo waxay lahayd xaaskaaga iskaga kaalay inagaa isku fiicane….waxaana waxay iigu samaynaysaa waa markii aan diiday si ay ii ceebayso!” Bal u fiirso sida uu doonay inuu masayr ugu beero si aan tuuganimadiisa wax looga waydiin. Sidaas oo kale ayay saddexdan kooxood dadka shacabkaa caadifad qabiil ugu beeraan si aan loola xisaabtamin!

Si kale haddaan u dhigo, kooxahan aan kor ku soo xusnay ee aan ka badnayn (1%) dhexdooda waa ka shuraako oo waxbay wada boobaan, laakiin dadka ayaa loo sheegaa sheeko ah “reer hebel waxba inooma ogola” si shacbiga loo kala qaybiyo oo aanay u tashan ulana xisaabtamin kooxdan qowlaysatada ah. Tusaale ahaan, nin siyaasi ah oo mucaarad ah ayaan waydiiyey xidhiidhka u dhaxeeya nin ay saaxiib dhow ahaayeen jireen oo markaa wasiir ahaa, waxaanu iigu jawaabay: “waanu wada hadalnaa oo cidii wax uga baahata waan uga soo dhameeyaa laakiin isma raacno, ee ma waxbaad uga baahnayd?” Mayaan ku idhi laakiin waxaa ii cadaatay sababta uu u diidayo in laysku arko iyagoo wada socda inay tahay in uu ka baqaayo in shacbigu fahmaan in huuhaa iyo qabyaalad lagu kala qaybinayo laakiin kooxdani ay saaxiib u tahay boobka xoolaha ummada.

Dadka Shacabka ahi Muxuu Rabaa?

Dadka reer Somaliland waa isku wada dan meel kastay joogaan bari iyo galbeed. Waxaa shacabku rabaa daryeel caafimaad, waxbarasho ubadka loo helo, shaqo loo abuuro, biyo la cabo, nabad gelyo uu ku noolaado, cadaalad uu kala kulmo maxkamadaha iyo bilayska iwm. Hase yeeshee maadaama kooxahan qolaysatada ahi aanay baahiyahan diyaar u ahayn inay wax ka qabtaan ama u fekeraan sidii wax looga qaban lahaa, waxay shacabka ku mashquuliyaan reer hebel waa Federaal ama waa Jeegaan iwm iyadoo ujeedada ay ka leeyihiin ay tahay “hadaanad qancin Karin wareeri” oo Ingiriisi ahaan ku noqonaysa “if you can’t convince them confuse them!”

Maxaa Xal ah?

Xalku waxuu ku jiraa in dadka la baraarujiyo “awareness campaign” si ay xaqiiqada jirta u fahmaan iyo in qabyaalad aan run ahayn lagu maaweelinayo si loo kala qaybiyo oo aanay u suura galin inay dantooda meel uga soo wada jeesan ulana xisaabtamin madaxdooda iyo dadka ay doorteen. Dadku marka ay baraarugaan ee ay isu arkaan inay wax wada leeyihiin, dantoodana u midoobaan waxaa imanaysa inay la xisaabtamaan ‘accountibility’ madaxdooda. Waxaa jirta odhaah ahayd haddii dadku ay sida xoolaha idaha (sheep) oo kale u dhaqmaan, waxaa xaqiiqo ah in madaxdoodu ay ku noqonayso yey (wolves) oo Ingiriisi ahaan ku noqonaysa “A nation of sheep will soon have a government of wolves.” Edward Murrow.

Maxaad Qaban Kartaa Shakhsi Ahaan?

Si looga xoroobo qowlaysatadan dalkii boobtay islamarkaana dadkii kala qaybisay si aan loola xisaabtamin, waxaa loo baahan yahay in bulshadu ixtiraamka iyo maamuuska kala noqoto kooxahan. Tusaale ahaan, waa in qof waliba joojiyo salaanta uu kula cararayo iyo kursiga uu uga kacayo qowlaysatadan aan xishoon ee u tafaxaydatay boobka ummada. Maamuuska aynu siino kooxahani waxay noqonaysaa fariin aynu u dirnay oo leenahay “waxaad wadaan way fiican tahay ee sidaa u sii wada.” Haddii sidaa lidigeed aynu runta u sheegno oo mid walba la yidhaa tuug baad tahay, waxaa dhacaysa inay yareeyaan amaba joojiyaan waxay wadaan. Dhinaca kale, kuwa u soo hanqal taagaya inay kooxahan ka mid noqdaan ayaa dib u fadhiisan lahaa.

 

Cabdillahi Xuseen

[email protected]

COMMENTS