BALIGUBADLE MEDIA
ODDOROSKA NAYRUUSKA SAADAASHA SANNADKA CUSUB EE 2018-ka Qoraa:- Maxamed Faarax Qoti (Astrologist) “Q/2-aad
January 2, 2018 - Written by admin

Dadku waxay ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah: Waxa lala xidhiidhiyaa khatarta dib ugu noqoshada fikradaha kacdoonka iyo furnaanshaha maskaxeed ee bulshada laga tirtiray 50-sannadood ka hor, waxaanay u muuqataa in dib loogu noqonayo Sannadkii 1950-kii, taasoo qaar ka mid ah dabeecadaha fikradaha siyaasaddeed ee humaagga ka soo noqdaa uu ka tarjumayo qallafsanaanta, cabsida, illaalinta dhaqanka iyo nacaybka (cabsida aajnabiga).

nayruus

Bulshadu badankoodu waxay noqdaan kuwo qiimeynaya oo kuwada faraxsan isku duubnida lawada gaadhay, marka dib loo milicsado mugdigii ka turjumayey wakhtigii dagaalkii labaad ee aduunka, daacadnimo la’aantii, farshaxanimaddii lagaga soo horjeeday sharciga, xukunka, mabaadiida iyo ku takrifalkii hantida dadweynaha, dhamaan waxaas oo dhan waxa loogu yeedhi doonaa in aanay ahayn hantidoodii, ka dibna, nidaamkan lagu tirtirayo waxa uu sii socon doonaa illaa iyo horaanta sannadka 2020-ka.

Shaqsiyaadka waxa la odhan jiray qofku kaligii inuu wax illaaliyo laguma gaadho ujeedada hatafka la hiigsanayo.

Dhinaca horumarka dhaqaalaha: Waxa kordha Iskaashiga farsamamooyinka casriga,
nidaamka dhaqaalahana hoos u dhac baa ku yimaada, rabashka ka dhasha dadka aan aqoonta isku lahayn ee haddana isku cadowga ahaa ayaa si wadajir ah dib-u dhis loogu sameyn doonaa iyo masiibooyinkii dhacay, shaqaaluhuna sida qofka leebka iyo qaansada wax ku toogtaa uu u soo qaado qaantiisa, ayey ugu kala awood badanaan doonaan abaal marinta lagu siin doono, toosnaanta, dheeraynta iyo weeraryahanimada,

Waa wakhtigii la badbaadin lahaa qalabka isagaadhsiinta casriga ah ee inoo fududeeya nolosha, waxaana caawin doona dowaladaha iyagoo yeelan doona iskaashiga wada-shaqeyn wax ku’ool ah, laakiinse, waxay u muuqataa in nidaamkaas uu  fashilmo si lama filaan ahna loo jabsado xogta dahsoon oo la isdaba marin xogaha dahsoon iyo warar been abuura oo xad-dhaaf ah,  taasoo la arki doono dhacdooyinka ay hoggaaminayaan arrimahaas aad ka u sareeyaa. Runtana Allaa Og..

Faraxa Dayaxa burjigan waxa loo eegaa  shanta waji ee kala ah:-
wajiga koowaad:  Beeraha, isbedelka, hooyonimada, haweenka, qoysaska, dhalmada, dareenka, hibada-dareenka, fahamka-deg-dega ah ee  dareenka bulshada, fikradaha-guud ee dadweynaha, caafimaadka, bani aadanimada, Bad-maaxyadda, farsamo-yaqaanada qasabadaha, jawaabaha, lacagta, ilmada, dadka caadiga ah, baaxa-dega,  heerarka uu maro liska caanuhu,  taranka, koritaanka, wax-soosaarka, Khamiirinta, dareerayaasha, dareenkiisa, hooyo, kalkaalinta, boorashka, biyaha.

Wajiga labaad :- Cilmiga Beeraha, cilmiga raadraaca isirka, xasiloonida, maamulka,amarka,miinooyinka, dhimashada, caqabadaha, qirashada xadeysan, xakameynta nafta, waayo-araga, nashqadaha, lafaha, xoolaha, adeegga arrimaha bulshada, saldanada, wakhtiga, gabal-dhaca, taariikhda, xiliga da’da aabaha, dhaqanka, dhulka,  dhulka hoostiisa, carmasha, daal-badan, saanta, xakamaynta nafta.

Wajiga saddexaadna:-  Shuuciyadda, Dabaaldegyada, Kuliyadaha, sharciga maxkamadaha, cadaalada, Deeqsinimada, weyneynta sharciga, Diinta, wadaaddada Sharciga Diinta, Muuqaalka guusha, Damaca-badan, codka dheer,  Safarka, Runta,Safarka dibada, Xikmadda,faa’iidada, baayac mushtarka , daabacaadda, Tijaarada, Rajada, Wacyigalinta, Horumarka, Ammaanta, Sharafka, Mudnaanta, Nasiibka, kaftanka,  kaftanka wanaagsan, Qosolka fiican, Wadarta guud,  Maraakiibta,Lugaha, Bawdyaha, Falsafada, Aqoonyahanada, Khudbadaha, dabiibka, sixirka, xerooyinka xoolaha ee dalalka shisheeyaha, cilmiga barashada xayawaanka, xoolaha iyo dhirta,
Wajiga Afaraadna :- Mucjisooyinka, Hantiwadaagga, Sirta, Jahwareerka, Xasilooni-darradda, Xadeynta, Xijaabka, Debecsanaanta, Isbedelka, Hadafyada, Himiladda, Hillowga, Dib u habaynta, kala-diridda, riyada, qallafsanaanta, muqaddasnimada, , khayaalka, Farshaxanimadda, Fakashada, Fikradaha, Jabka, Musuq-maasuq, khiyaamada qotoda dheer leh, cabitaanka, daroogada, dareeraha Alcoholka,  biyaha, badaha, qiiqa, qalabka dhawaaqa codka qoom ka ciyaarka iyo Sumowga badaha.
Wajiga Shanaad:- Ciidammada, hiliblayaasha budhcad badeeda, dagaalka, dilka, dhiigga, muranka, tamarta, gaadiidka,  farsamo-yaqaanka dhismayaasha, halyeeyga, maamulka sare, maldahaada, hamadda, taranka, madadaalada,  cayaaraha, qalliinka, tubaakada, toonta, fooxa, qoryaha, cuduradda, caabuqa, birta, mindiyaha, qufulada, qalabka wax lagu kuleyliyo, tuubooyinka qasabadaha,  qalabka lagu jaro timaha,
Dhinaca Awoodaha wuxuu si gaara u khuseeyaa: Raasamaalka, hawl-gabka, waxay u eegtahay caqabadihii inna horyaalay muddadii dheerayd ee aynu soo dhaafnay xuquuqdoodii innaynu si dhib yar hellitaankeedii uu ku dhamaado
Arrimaha Gaarka ahna: Waa in laga fogaado la joogitaanka jacaylka.
Wuxuu jecel yahay: Guriga, wabiyadda, baddaha, xiiseynta waxyaabaha muhiimka ah, fursaddaha,  ku hadaaqida nolosha
Wuxuu neceb yahay:-  Qabowga, waxshinimada, kibirka, jees-jeeska, dhaqanka xun, faragelinta dadka kale noloshooda gaarka ah.
Dhinaca shaqada waxa loo nisbeeyaa: Marka hore in la fahmo wax-yaabihiin inta badan lagu jahwareeray, lana ogaado innay dadku aqbalaan, In la horumariyo maskaxaha lumay iyo qaan-gaadhnimadda.
Xirfaddaha:- Waxa lala xidhiidhiyaa cunto karinta, ganacsiga hudheelada, hantida ganacsadeyaasha iibiya wax-yaabihii hore, banii’aadanimadda iwm.
Oogada jidhka aadamahana wuxuu ku leeyahay:  Jidhka waxa lala xidhiidhiyaa uurku jirta iyo naasaha.
Cudurada: Xanuunada ku dhaca caloosha, laabta, caylka, boogaha.
Midabkana: Wuxuu ku leeyahay cadaan, madowga iyo akhtarka.
Macdantana: Macdanta dareeraha ah, luulka, lacagta, Dhagaxana: birta, cusbada nuuradda.
Mandaqadana wuxuu ku leeyahay wadamada: Holland, Scotland, Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika, New Zealand-, Paraguay, Algeria, South Korea. Cities: Amsterdam, Manchester, Tokyo, New York, Istanbul, Stockholm, Milan, barakiciyay, Genoa, Cadix, Alger, Tunis, Bern, Magdeburg.
Xayawaanka: Casaanyada, xayawaanka qolfta leh.
Cuntadana: Caanaha, kalluunka, khudaarta midho-biyoodkata, midhaha faa’iidada leh ee hadhuudhka, galayda, cuntadana waxa ugu fiican in la cuno cuntooyinka  faa’iidada leh sida, xab xabka iyo cabida caanaha
Geedahana: Dhir iyo beeyada, xawaashka, ubaxyada kuwa cadaanka, casaanka. Runtana Allaa Og.

Nayruuska Sannadkan 2018-ka, waxa uu ku curtay Maalin Isniineed……………..  La soco

COMMENTS