BALIGUBADLE MEDIA
Nuxurka War Murtiyeed Ay Golaha Guurtida Somaliland Ka Soo Saareen Xaalada Dagaal Ee Bariga Somalila
January 10, 2018 - Written by admin

Golaha guurtida somaliland ayaa war murtiyeed ka soo saaray dagaalada bariga gobolka Sool ku dhex maray ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.
guurtida
Golaha guurtida oo maanta yeeshay fadhi aan caadi ahayn ayaa dawlada soomaaliya iyo maamulkeeda ku eedeeyey inay fara gelin toos ah ku hayaan xuduuda jamhuuriyada somaliland.

War murtiyeedka ka soo baxay golaha guurtida somaliland oo nuqul ka mid ah Hadhwanaagnews soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:-

“Mudooyinkan Dambe dawlada Somalia iyo maamul goboleedkeeda Puntland waxay wadeen Faro galin iyo dibin daabyo ay ka dhex wadeen labada dal ee somaliland iyo Somalia.

Taas oo ah xaalad ay ku abuurayaan qalalaase iyo nabad galiyo daro ka dhacda xadka labada dal.

Falalkan ay ku kaceen waxa ka mid ah :.

1.    Dawlada soomaaliya waxay caadaysatay in aanay ixtiraamaynin heshiisyadii socday ee labada Dawladood Ee Somaliland iyo Somalia wada gadheen, waxaa kow ka h heshiiskii hawada ee ay wada saxeexdeen somaliland, soomaaliya iyo hay’adda ICAO.

2.    Baarlamaanka maamul goboleedka puntland waxay ay qaraar ku  ansixiyeen dagaal lagu qaado Somaliland Gaar ahaan Gobolada Sool Sanaag Iyo Buuhoodle .

3.    Falal lagu arbushayo laguna wiiqayo xaaladii diwaan galinta iyo doorashada Somaliland oo ay ku soo qaadeen goob dooro oo  ka mid ah gobolka xaysimo iyo gobolka Badhan, Diwaangalintii Iyo kaadhadh qaadashada oo ay Iyana goobo ay ka qateen Qalabkii cod bixinta, sanaaduuqdii iyo kaadhadhkii.

4.    Wasiirka Qorashynta Somaliya, wasiirka Amniga ee Maamul goboleedka Puntland iyo xubno ka tirsan golayaasha baarlamaanka fadaraalka ah iyo Dawlada goboleedka puntland oo wata ciidamo badan waxay xad gudub ku sameeyeen gudaha Somaliland,Meelihii ay tageen waxay ka jeediyaan khudbado iyo hadalo xanaf leh oo Nabad galyo daro abuuraya,Waxayna halkaasi ka sameeyeen abaabul ciidan oo ka soo horjeeda jamhuuriyada Somaliland.

5.     Ciidamada Somaliland marna xadgudub kumay samayn xuduudka labada dal ee Somaliland Iyo Somaliya, Ciidanka Somaliland Waxay Ku Sugan yihiin  Xuduudka Dalka Jamuuriyada Somaliland Gudihiisa, Dhacdadii daraad dhacday ciidanka jamuuriyada Somaliland oo ku sugan fadhiisimadiisii iyo saldhiyadiisii waxa weerar qaawan ku soo qaaday ciidan ka tirsan somaliya.

Dhamaan Talaabooyinkaasi waxay xaqiijinayaan Dawlada  Somaaliya Iyo Maamul Goboleedkeeda Puntland in ay siyaasiyan si badheedh ah u abuurayaan Xaalad Dagaal Oo Ka DHacda Mandaqada,

 Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS