BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi oo Durba U Banbaxay Xadgudubka Shaqaalaha Dawladda, Meeshana Ka Saaray Sharciyadii Iyo Hanaankii Dawladnimo
January 11, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa muddo kooban oo uu xilka hayay kadib bilaabay xadgudubyo aan caadi ahayn oo uu kula kacayo shaqaalaha kala gadisan ee dawladda isagoo durba maanta shaqadii ka caydhiyay 109 shaqaale oo kamida shaqaalihii madaxtooyadda somaliland ee kala gadisanaa

muuse kornayl

arintan oo ka yaabisay cidkasta oo maqashay ayaa u baahan in laga hawlgalo sidii farta loogu fiiqi lahaa xadgudubyadda shaqaalaha dawladda ee uu durba muuse biixi ku kacayo

sidoo kale muuse biixi ayaa u muuqda shakhsi aan aqoon iyo waayo aragnimo u lahayn kursiga uu ku fadhiyo islamarkaana sidii guri ama hoy uu leeyahay ugu macaamilaya kursiga qaranka ee la saaray islamarkaana gabi ahaanba meesha ka saaray hanaankii iyo nidaamkii dawladnimo

dhanka kale waxa meesha ka maqan doorkii haayadaha ay khusayso ee arinkan jawaabta cad ka bixin lahaa oo iyaguna u muuqda kuwo shaqadoodii gabay waxa kale oo iyana looga fadhiyaa xisbiyadda muncaaradka inay doorkooda ka qaataan afduubka iyo bahdilka muuse biixi kula kacayo dawladnimadda somaliland.

isku soo wada duuboo muuse biixi ayaa dalka ku wada wadadii burburka iyo baabiinta isagoo siduu doono ugu tagri falaya sharciyadii dalka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS