BALIGUBADLE MEDIA
Meeqaamkii Somaliland ee Dibadda oo Hoos U Dhacwayni Ku Yimi Iyo QM oo Ka Hadashay Wadahal Loo Furayo Somaliland Iyo Puntland
January 26, 2018 - Written by admin

meeqaamkii somaliland ee siyaasadda arrimaha dibadda ayaa hoos u dhacwayni ku yimi mudadii ay taladda haysay xukuumadda cusub ee muuse biixi inkastoo xukuumadii hore ee kulmiyaba ay ku liidatay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka

micheal keating

hadana xukuumadda cusub ee hadda jirta ayaa iyana ka sii hoor martay tii hore waxaana kaw ka ah arrimaha loo aanaynayo hoos u dhaca ku yimi siyaasadda arrimaha dibaddan somaliland wasiirka arrimaha arrimaha dibadda somaliland oo sifo beelnimo kursiga ku yeeshay islamarkaana aan loo eegin aqoon diblomaasiyadeed iyo xidhiidhada uu la leeyahay bulshadda caalamka.

hoos u dhaca wayn ee ku yimi siyaasada arrimaha dibadda somaliland waxa laga dareemay kadib markii warbixin sanadeedkii uu golaha amaanka kahor akhriyay danjiraha qaramadda midoobay u qaabilsan somaliya lagu lagu buunbuuniyay dawladda somaliya iyo maamulka puntland halka somaliland lagaga daray warbixintaas meeqaam ka hooseeya ka puntalnd warbixinta ayaad ka dheehanaysaa sida  meesha looga saaray doorkii wadahadaladda somaliland iyo somaliya islamarkaana ay qaramada midoobay baaq cusub oo ka gadisan kaas ay soo saartay islamarkaana ay somaliland iyo puntland ugu baaqday wadahadal taas oo muujinaysa hoos u dhaca wayn ee ku yimi meeqaamkii hore ee somaliland mudadii uu muuse kursiga fuulay.

Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Michael Keating oo warbixin sanadeedkii siinayey golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka hadlay dagaalkii ay ciidamada somaliland kula wareegeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Danjire Keating ayaa soo bandhigay baaqyada nabad galyada ku baaqaya ee loo jeediyey somaliland iyo maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland.

Danjire Keating oo ka hadlaya khilaafka u dhaxeeya somaliland Iyo maamulka Puntland ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa jira khatar halis ah oo ka imanaysa khilaafaadka mudada dheer u dhaxeeya somaliland iyo Puntland, kuwaas oo ciidamadoodu isku hor fadhiyaan gobolka Sool, waxaana dhici karta inuu dagaal dhex maro maalmaha soo socda iyada oo cawaaqib xumo weyni ka iman karta.”

Danjire Keating oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dhacdadani waxay imanaysaa ka dib markii doorashooyinkii dib u dhacay ee somaliland ka dib si habsi leh oo nabad galyo ah loola kala wareegay awooda somaliland dabayaaqada sanadkii hore ee 2017.”

Sidoo kale danjire Keating ayaa soo bandhigay baaqyadii loo jeediyey dawlada somaliland iyo maamulka Puntland waxaanu yidhi “Iyada oo taageero laga helayo hawl galo caalami ah oo ay ku jiraan qaar ka tirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha somaliland iyo Puntland  si loo joojiyo colaada inay kala qaadaan ciidamadooda oo ay dib u soo celiyaan xaaladii caadiga ahayd oo ay furaan wada hadal dhex mara”

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia

Hargeysa

COMMENTS