BALIGUBADLE MEDIA
Mareykanka Oo Sheegay Inay Dalka Pakistaan Ka Jareen Kaalmada Dhanka Ammaanka Ee Uu Siin Jiray –
January 5, 2018 - Written by admin

Maraykanka ayaa sheegay in ay ka joojineyso kaalmada dhanka ammaanka ee uu siiyo dalka Pakistan, iyaga oo ku andacoonaya in xukuumada Islamabad aysan si dhab ah wax uga qaban kooxaha xagjiriinta ee ka hawlgala dalkeeda..
usa(18)
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday go’aanka Khamiistii, iyada oo sheegtay in maamulka Trump uu aaminsanyahay in Islamabad aysan wax badan ka qabin dagaalyahannada Taliban iyo kooxaha ay isku xiran yihiin, oo ay ku jiraan shabakada Haqqani

Afhayeenka.waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Heather Nauert ayaa ku sheegtay shir jaraa’id inay joojiyeen gargaarka ammaanka kaliya ee Pakistan waqtigan,”

Inkasta oo Pakistan “dhab ahaantii naga caawiyeen xaaladaha qaar,” ayay tiri, balse ma qaadaan tallaabooyinka loo baahanahay si ay ula dagaallamaan argagixisada.”

Marakanka ayaa sheegin wax maluumaad ah oo ku saabsan inta a dhantahay lacagta gargaarka oo ay jaranayaan balse sargaal ka tirsan wasaarada oo aqoonsigiisa qariyay ayaa sheegay in lacaga ay dhantahay $255 million.oo doolar

Sources: universaltvsomali

COMMENTS