BALIGUBADLE MEDIA
Maraykanka oo Qarka u Saaran Qalalaase Miisaaniyadeed
January 18, 2018 - Written by admin

Dowladda Maraykanka ayaa qarka u saaran in uu qabsado qalalaase weyn oo xagga miisaaniyadda ah xili xildhibaanada labada aqal iyo Aqalka Cad ay isku hayaan meelmarinta miisaaniyadda xilliga dhexe ee Maraykanka.

white house

Xildhibaanada xisbiga dimoqoraadiga ayaa diidan in ay u codeeyaan miisaaniyadda, waxayna shuruud ka dhigayaan in marka hore la damaanad qaado xuquuqda dadka muhaajiriinta ah ee iyaga oo yar Maraykanka soo galay, halka madaxweyne Trump uu rabo in dalka laga tarxiilo.

Labo maalmood oo kaliya ayaa ka dhiman xiliga ay tahay in la helo miisaaniyad cusub oo lagu fan gareeyo hay’addaha waaweyn ee heerka federaal, haddii kale ma heli doonaan miisaaniyad ay ku shaqeeyaan.

Inkasta oo xisbiga Jamhuuriga uu heysto aqlabiyadda codadka, haddane waxaa loo baahnaan doonaa codadka qaar ka mid ah dimoqoraadiga si uu miisaaniyadda loo meelmariyo.

Xildhibaanada Jamhuuriga ayaa doonaya in ay kuwa dimoqoraadiga kusoo xero galiyaan soo jeedin ah hindise cusub oo ku saabsan ceeymiska carruurta.

Hogaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga oo baajiyay kulan ay Trump la lahaayeen
Trump oo ballan qaaday in taageero u fidinayo gobolka Texas
Maraykanka: Ruushka ayaa ‘u dhacay’ hannaankii doorashada ee 21 gobol

Marka uu Aqalka Congresska ansixiyo miisaaniyadda, waxa kadib la geyn doonaa Aqalka Sare.

Dimoqoraadiga waxa ay rabaan in la damaanad qaado difaaca dad gaaraya 700,000 oo sharci daro ku jooga Maraykanka, kuwaas oo iyaga oo yar soo galay dalkaas.

Balse Trump ayaa sanadkii hore joojiyay qorshaha lagu magacaabo Deferred Action for Childhood Arrivals (Daca), kaas oo u ogolaanayay in ay dadkan Maraykanka kusii noolaadaan, wuxuuna Aqalka Congress-ka u qabtay illaa 5ta bisha Maarso in ay xal la yimaadaan.

Trump ayaase sheegay in uu gorgortan ka gali doono arrintan, taas badalkeedana uu rabo in miisaaniyad loo ogolaado dhismaha darbiga uu doonayo in uu ka dhiso xadka Maraykanka iyo Mexico.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Agaasimaha Aqalka Cad uu si gaar ah ugu sheegay koox xildhibaano dimoqoraadi ah in Trump uusan xog wanaagsan heynin markii uu samaynayay balanqaadka dhismaha darbiga xiligii lagu gudo jirey ololaha doorashada.

John Kelly ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in isaga qudhiisa uu isku dayay in uu madaxweynaha ku qanciyo in uu iska dhaafo dhismaha darbiga.

Xigasho: bbc Somali

COMMENTS