BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Sisi Oo Markale U Tartamaya Madaxtinimada Masar
January 20, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi ayaa xaqiijiyay in uu doonaayo inuu u tartamo doorashada xigta ee dalkaaai.
siisi
Doorashadaasi ayaa noqon doonta tii saddexaad ee ka dhacda dalka Masar idii 3-dexaad ee tan iyo markii uu kacdoonka ka dhacay dalkaasi Masar, taasi oo sababtay in xilka laga tuuro Madaxweynihi hore ee Masar; Xusni Mubarak.

Sidookale sarkaal sare oo katirsan ciidamada Masar oo lagu magacaabo Sami Anaan ayaa isna xaqiijiyay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada ee Masar.

Mr Sami ayaa bartiisa Facebook ga ku qoray inuu doonayo inuu soo afmeero dhaqaalaha dalkaasi ee u xiran milateriga oo keliya.

Hadalka Madaxweyne Sisi ayaa ah mid la filayay, waxaana loolanka madaxtinimada isaga baxay madaxii hore

ee ciidamada cirka ee Masar Axmed Shafik.

Sources:BBC Somali

COMMENTS