BALIGUBADLE MEDIA
madaxweyne magacaabisahan wada xigto miiska ah ma Saylici baad reer Awdal ku diraysaa mise waad Naxaqiraysaa?!Dr.khadar-Libaaxley.
January 4, 2018 - Written by admin

Aan  ku   qadimo  ugu   horeyn  mid  hambalyo  ah, midh  saluuga  iyo  midh  aan  horey  loo  liqi  karin!!.

1.  Mudane  madaxweyne  aad  ayaan  ugu  hanweynahay  habka  iyo  hanaanka  geedi  socodka  foolaada  bilowga  san  ee  aad  ku  illo  furtay  xukuumadaada  oo  aan  aad  kuugu  bogaadinayo  guud  ahaan  hab-raaceeda  mudan, waayo  malahayga  waa  sidaan  aniguba  yeeli-lahaa.

2.  Mudane  madaxweyne  adiga   oo  xaq   dastuuriya  u  leh  magacaabista  cida  aad  ay  laabtaadu  muhato  sabab  dan  aad  u  bido  qaranka  darteed  oo  qayb  ka  ah  waxa  laguu   doortay ; waxa  soo  muuq  shidaneysa  marka  la  tixraaco  3  jeer  oo  aad  samaysay   magacaabisyo  2dii  dikreeto  magacaabineed  ee  u  dambeeyey  in  laga  dhadhansan  karo ( kaliya  in  ay  yihiin  magacaabisyo  ku  dhisan  hab  xigto  miis  u  badan  guud  ahaan, xukun  kii,  caasimadii  iyo  xillalkii   ugu  badnaa   ayaan   qaadanayaa  waxa  ay  u  eegtahay   sheekada  libaaxii  hilibka  qaybiya  ku   yidhi   habar-dugaag  ee  uu  ugu  dambeyntii  isagu  wada  qaatay ); ma’aha  eed  iyo  mala’awaal  mudane  madaxweyne;  waa  sida  daahir  ka  ah  ee  cid  kastoo  dhaayo  qabtaa  tilmaansan  karto; reer  somaliland  oo  dhami  indhahay  ku  hayaan  sida  aad  hasha  u  biraynayso  waaxyaheedana  aad  u  qaybinayso   waliba!!

Waxa   aan  kula   jeclaa   qof  ahaan  in  aanad  ka  dhigan  halbeeg  talax  tag  ah ( sidii  ay beeluhu  u  kala  codeeyeen  marka   aad  u  xaqsoorayso  beesha  dhexe  iyo  beelaha  darifyada !!  madaxweyne   sii  mudnaanta  beelaha  darifyada  ee  aad  2dii  magacaabisood  ee  u  dambeeyey   dariiq  cad  aad  ka  marisay  oo   aanu  qofna  kaga  jirin , iyada  oo  uu  madaxweyne   xigeenkaagiina  ku  ag  joogo  oo  aanu   hoos  iyo  sareba  u  leenahay  miyuu  la  ogyahay  tallow?!!

Mudane  madaxweyne  Sababta  aad  mudnaanta  koowaad  u  siinayso  beelaha  darifyadu  waxa  ay  tahay ( cid  kasta  oo  beelaha  Awdal  iyo  sool  ah  oo  aad  magacowdaa  ugu  horeyn  hargaisa  ay  imanayaan,  cida  ugu  badan  ee  ay  u  shaqeynayaana  waa  reer  hargaisa, lacag  kasta  oo  soo  gasha  hargaisa  ayuun  bay  ku  cunayaan; ma  jirto  caasimada  qiime  la   barbar  dhigo!!  magaca   mooyee  waxba  uguma  filna   deegaanadoodii  iyo  dadkoodii  midnaba;  sidaa  daraadeed  mudane  madaxweyne  dhaaf  dirsashada  badan  ee  isaaqa; si   aaney  dawladnimadu  ugu  eekaan  reer  kalidii  isku  adeegaya  oo  wixii  kaleba  ay  ku  soo  fadhi  xun  yihiin.

mudane  madaxwene  waxa  aaney  cidiba  liqi  karin  iyada  oo  aaney  horeyba  u  dhicin  iyo  xukun  kaagii  oo  cusub  in  durba  maamulkii  xaafada  af-gooye  ee  xamar  uu  durba  dibiro   dhacsi  iyo  daan-daansi  dedan  deyrka  dalkeena  durba  ay  ku  war-wareegaan  wusaro  khiyaali  fadaraal  ah  oo  walbi  BBC  da  ka  baanaya, oo  kaaga   sii  darane  wasiirkii  ka  soo  jeeday  deegaanka  ay  hada  ku  sugunyihiina  mar  la  wareysanaayey  ( ku  jawaabay  jawaabo  jidhkiyo  jawf  kuba   diideen;  iyada  oo  ay  u  furneyd  jawaab  godkeeda  mudan  waayo  abwaan  cali  dhuux  aadan  ayaa  laga  hayey  tuduc  ka mid   ah   maansadiisii   silsilada  GUBA ( bal  muu   duro  waxbana  yaanu  dillin  doorar  na   u  leyne’ ).

Fiiro  gaara :

Mudane   madaxweyne   u  qaado  qormadan  mid  adiga   ku   dhisaysa  oo  ku  dhiiri  galinaysa,  kugu  lama   jiro   anigu   waxa   kaaga   baxa   biyadhaca  qormadan  hadaad  u  gar-waaqsato  mid  adiga  lidi  kugu   ah.

Wanaag   oo  dhan  rabi  kugu  garab  galo   insha’allah.

Dr.khadar -Libaaxley
[email protected]
[email protected]
Regional political analysts

COMMENTS