BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Dhagax Dhigay Waddada Xidhiidhisa Gaalkacyo iyo Hobyo
January 14, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa maanta meel fagaaro ah kala hadlay bulshada ku dhaqan Koonfurta magaalada, isaga oo ku booriyay in nabada laga shaqeeyo.

farmaajo

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tagay oo soo arkay goobihii ay u dagaalameen labada maamul, waxaana uu amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada halkaa ku sugan laga kaxeeyo.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa dhagax dhigay Waddada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo Hobyo oo ah muddo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaale ee guud ahaanba marka la eego deegaannada gobollada dhexe, isaga oo balanqaaday in dowladdiisu ka shaqeyn doonto hormarinta iyo dhismaha adeega bulshada.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS