BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweynaha Somaliland oo Safarkiisii Ugu Horeeyay Ugu Baxay Dalka Jabuuti Oo Uu Martiqaad Rasmi Ah Ka Helay
January 6, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciiddammada.

Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaana marti-qaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu safarkani noqon doonaa mid sii xoojiya wada shaqaynta labada dal ee walaalaha isla markaana jaarnimadu ka dhaxayso,


iyadoo ay labada madaxweyne ka wada hadli-doonaan xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Waxa Safarka ku wehelinaayey:

1.      Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire

2.      Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon)

3.      Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye

4.      Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan

5.      Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto  Cabdi Xirsi Ducaale

Sidoo kale waxa safarka madaxweynaha ka mid ahaa:

1.      Weriye Ridwaan Caydiid Ismaacil (Akiid)

2.      Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Eagle)

  Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS