BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Farmaajo oo Soo Afjaray Khilaafkii Maamulka Galmudug Iyo Cadaado
January 23, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Maxamad Cabadullahi Farmaajo ayaa xal ka gaaray cabashadii ay odayaasha Cadaado ka qabeen heshiiskii horay u dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-Sunna.

sonna

Madaxweynaha ayaa odayaasha u sheegay in Cadaado noqon doonto xarunta baarlamanka Galmudug. “Xikmadda waxay noqotay, markii aan dhinac walba ka fiirinay, in qeyb ka mid ah dowladda halkan ku shaqeyso taas oo ah baarlamaanka”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo .

Wuxuu sidoo kale sheegay in aan Cadaado laga wada guureyn illaa uu xalka heshiiska si rasmi ah uga dhameystirmaayo.

Wadahadalka xalka lagu gaaray ayaa qaatay habeen iyo maalin, sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Cadaado dadkeena oo cabanaya aan la dhameystiri karin heshiiskii ay wada saxiixdeen Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Cadaado waxay hadda xarun ku meel gaar ah u tahay maamulka Galmudug, balse waxaa la qorsheynayaa in Dhuusa-mareeb loo raro madaxtooyada ka dib marka uu heshiiska si rasmi ah u dhaqan galo.

Cadaado “waa dhab waxaa tihiin hooyada, meeshii lagu aasaasay Galmudug, iidiinkuma caasin karo,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay odayaasha.
Wuxuu intaa ku daray “ciddii wax tirsaneysa, anagaa iska leh masuuliyadda waana in aan soo celino oo aan la hadalno”.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS