BALIGUBADLE MEDIA
Maayar Dawladdaadii Hoose Way Dayacantay Ee Dalxiiska Jooji.Qalinkii: Cabdicasiis Ibraahim Ciise (Daacad)
January 28, 2018 - Written by admin

Eex ma tiraabayo, oo Alle iguma oga aflagaadana uma jeedo, xaasha. Qormadani waa isa-sixid iyo baraarujin.
carabla huruda
Waa dhawaaqa bulshadii dhex tunnayd dawladda hoose ee Hargeysa, 24kii Jeenaweri 2018 oo shalay ahayd. Mudane Maayar, waxay kugu sugayeen xafiiskaaga. Qof walba in loo shaqeeyo ayuu doonayey. Saacaddii aad badhkood la ballantay baana lagu sugayey. Maad se iman, oo waa adigii kormeerkii Madaxweynaha ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka la socday. Waxa is wayddiin leh: Maayarka iyo madaxweynaha maxaa isku shaqo ka dhigay? Maayarka iyo kormeerka madaxweynuhu halkay isaga yimaaddeen? Ma wasiir baa? IQk. Wax lagaga jawaabay iyo waxaad kaga jawaabaysaba waa arrin mudan in warcelinteeda oo saafiya la

helo.

Maayar, waxa la yaab ku noqotay bulshadaadii, in iyagoo ku sugaya aad haddana shaqo kale qayb ka ahayd taadina dayacnayd. Cid kugu sintaana aanay joogin. Sida aynu wada ognahayna xoghayihii dawladda hoose aanu shaqadiisii u qabsan. Xafiiskiisana aanu iman badanka. Maayar ku-xigeenkiina aanu joogin.

Habqanka noocaas ah iyo masuuliyiintii giraanta shaqada ahaa oo kala maqan ayaad haddana sida wasiirka aad xukumadda sare la kormeeraysay wasaaradaha. Ma annagaa is moodsiinayna oo dawladda hoose ayaa dawladda sare la shaqo noqotey? Mise dawladdii sare ayaa dawladdii hoose la wareegtay? Maxaa xafiiskaagii iyo shaqadaadii kaa baylihiyey, dadkana hungada baday?

Dayacnida dawladda hoose dhan shaqo iyo dhan maamulba, magaaladaada ayaa laga garanayaa mudane. Shan (5) qodob oo aad dayaca ugu weyn ku mutaysanaysaan aan kula wadaago Maayar, intaynaan wax kale u galinba:

1. Masuuliyadda xoghayaha dawladda hoose (local government secretary) ma madaxbannaana, waana mishiinka shaqada ee dawladda hoose iyo kaaliyaha xogta ee dawladda dhexe, qaasatan wasaaradda arrimaha gudaha. Dayacnaan badan baa ka jirta halkaas, mana dhaaddanidin, mise idinkaa u badheedhsan? Mooyi, waa se dayac.

2. Masuuliyaddii guddida nabadgalyada (Security committee) iyo guud ahaan shanta guddi ee dawladda hoose oo aan sidii loogu talogalay u shaqayn. Waa mid iyana ku tusaysa dayacnaan baahsan oo dawladda hoose dulsaaran. Guddidaas nabadgalyadu waynu ognahay shaqadooda iyo waxa ay ka shaqeeyaan, amniga caasimadduna bacdal maqrib maaha mid laysku hallayn karo. Waa dayac iyana jira Maayar. Inaad mooggan tihiin iyo in kale mooyi.

3. Adeegyada bulsheed (Service delivery) ee aad dadka u qabataan oo aan sidii loogu talagay u shaqayn. Tusaale, caafimaadka, biyaha – oo aydaan gacantaba ku hayn, korontada – oo iyana aan gacantiina ku jirin, bulshadana aydaan uga arxamin hay’adaha barayfatka ah (Private companies) ee gacanta ku haya; waxbarashadii hoose oo dayaca ugu weyni haysto iyo saamayntiinii dawlad hoose ahaaneed oo aydaan qaadan. Waa dayacnaanta ugu weyn ee idin haysata. Waxaanu se garan la’nahay, ma idinkaa awood’darro idin haysataa? Ma dawladda hoose iyo golaha deegaankaan shaqayn karayn? Ma wada shaqayntiina ayaa liidata oo hawlahan dayacaysa? Ma cid karti ama aqoon u leh baydaan haysan? Mooyi, se dayac baahsan baa halkanna jira.

4. Qorshe la’aan (Planning) iyo waxba haw qaban ee qawda maqashii. Waa mid iyana caqabad idinku ah. Haddii aan imaaddo oo rabo inaan waxqabadkiina, iskaba daa ee waxqabadyadiinii aan hel is idhaahdo, idinkama heli karo. Kayd aan jirin darteed. Qorshe degmeedkiinana (DDF) daa hadalkiisa. Waa wax aan la helayn higsi sannadle ah (Strategic) oo aad leedihiin. Taasina waa dayacnaan jirta.

5. Waxa jira awaamiir/shuruuc (Instructions) ay dawladda hoose soo saarto, si wax looga qabto dhib jirta. Ma jirto oo shuruucdaasi ma shaqayso. Tusaale: nidaamkii lagu hagaajinayey sixada iyo nadaafadda hudheellada, waxba kama hirgelin oo kuuggagu waa baadhid la’aan afartii cisho ee u horreeyay mooyee; uskaggana hortoodii bay ku soo qubaan, oo waddooyinkii saabuuntoodii baa qoday. Sida oo kale, sharcigii disibiliinka taraafigga oo aan isna halkii ka dhaqaaqin. Ma garan karno waxa ay shuruucdu u shaqayn waydo, ma dadkaa sharciga ka weyn, oo aan laga fulin karayn? Ma idinkaan higsi ka lahayn oo laab-la-kac u qabta hawlaha lagu galayo shuruucdan? Mooyi, balse waa dayac jira.

Haddaan is idhaahdo halkan ku soo koob dayacnaanta dawladda hoose ee Hargeysa, waa daanyeer dabadii oo dibadda taal. Waxaan se leeyahay oo ku soo gebagebaynayaa, (Maayar dawladdaadii hoose way dayacantay ee dalxiiska jooji).

Qalinkii: Cabdicasiis Ibraahim Ciise (Daacad)

COMMENTS