BALIGUBADLE MEDIA
Khilaafka Turkiga iyo Imaaraatka oo weji cusub yeeshay
January 10, 2018 - Written by admin

Turkiga ayaa si rasmi ah u bedelay astaanta waddada ay ku taallo saraafadda dalka Isutagga Imaaraatka uu ku leeyahay magaalada Ankara, ka dib hadal dhaliyay khilaaf diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhexgalay.

pasa

Waddada waxaa loogu magacdaray Fahreddin Pasha, ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraatka uu internetka ku baahiyay isagoo cambaareynaya sarkaalka oo horay uga tirsanaa Cusmaaniyiinta.

Cabdallah bin Zayed al Nahyan wuxuu Twitter-ka ku qoray eedeyn uu u jeedinayo Pasham iyo awoowayaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mr Erdogan ayaa si adag uga jawaabay eedahaasi.

Farriinta Twitter-ka waxay sheegeysaa in Pasham uu si xun ula dhaqmay Carabta muddadii uu maamulayay magaalada Madina, horraantii qarrnigii 20-aad, wuxuuna sheegay “in ciidammadii ninkaasi ay xiriir la leeyihiin Mr Erdogan.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa difaacay barasaabkii hore ee magaalada barakeysan ee Madina, wuxuuna su’aal geliyay jiritaanka awoowayaasha wasiirka Imaaraatka.

Mr Erdogan wuxuu wasiirka u sheegay “in uu shaqadiisa garto” oo shimbirba shimbirkiisa uu la duulo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eeda ay tahay “aflagaado”.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dalka Imaaraatka ku tilmaamay meel ay kharibeen “lacag iyo shidaal”.

Diblumaasi sare oo Turkiga ka joogay Dubaay ayaa looga yeeray Ankara si uu cabasho rasmi ah u gudbiyo.

Xiriirka ka dhexeeya labada dal ayaa xumaanayay bilihii ugu dambeeyay ka dib markii Turkiga uu la saftay Qadar oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo wadammada khaliijka oo ku eedeeyeen in Doxa ay argagixisada taageerto.

Maayarka magaalada Ankara ayaa bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in magaca waddada la bedelay.

“Hadda laga billaabo, cinwaanka safaaradda waa in uu si rasmi ah u muujiyaa waddada Difaacaha Madina, Fahreddin Pasha. Nasiib wacan,” ayuu yiri Mustafa Tune oo Twitter-kiisa ku qoray farriintaas oo ah luqadda Turkiga.

Source: bbc somali

COMMENTS