BALIGUBADLE MEDIA
Jeegaantu Imisa Midab Ayey Leedahay Hadii Laga Run Sheegayo (Taariikhda Jeegaanta Casriga ah) !!! Q2aad W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
January 21, 2018 - Written by admin

Inta aan bilaabin qaybta 2aad ee qoromo qoraalkan waxaan dib ugu yar noqonayaa  qaybtii hore, si aan idiinku iftiimiyo isticmaalka iyo hirgelinta jeegaanta casriga ah iyo asal ahaan nidaamkani halka uu kasoo jeedo, taariikhdiisa iyo sidii uu u hirgalay. “Markan waxaan ka hadlayaa aduun weynaha iyo jeegaanta casriga ah”

Jeegaanta: Aduunka markii ugu horeysay waxa eraygani ka hirgalay wadanka Maraykanka, wakhtigaas oo doorasho ka qabsoomaysay Maraykanka,  hadal haynta isbahaysiga jeegaanta (Rainbow coalition) waxa uu Maraykanka kasoo ifbaxay dabo-yaaqadii 1960 ilaa 1970-kii kaas oo ahaa keliya mid hadal hayn aan dhaafsiisnayn ama afka uun ku eekaa, gobolka Chicago ayaa noqoday kii ugu horeeyey ee laga maqlo isbahaysiga jeegaanta ama (Rainbow coalition) fikirka isbahaysigan jeegaantana waxaa lahaa nin la odhan jiray Fred Hampton, laakiin waxay soo shaac baxday 1984 wakhtigaas oo Maraykanku ku jiray Ololaha doorashada madaxtinimada,  isbahaysigii jeegaantuna wuxuu isku bedelay urur siyaasadeed kaas oo hogaamiye ka noqoday nin la yidhaah Jesse Jackson, ninkani waxa uu urur-siyaasadeedkiisii ku uruuriyey sida magaciisa ka muuqata, cid kasta oo Maraykan ah oo la faquuqo ama asal ahaan kasoo jeeda wadamo kale, waxaana kamid ahaa “Carabta Maraykanka ah, Aasiyaanka Maraykanka ah, Dhaladka Maraykanka ah, Afrikaanka Maraykanka ah, Hindida Maraykanka ah, Yuhuuda Maraykanka ah, Dadka la faquuqo, Beerlayda iyo Dadka jinsiyadahoodu isku midka yahay ee isku galmooda”, isbahaysigoodaasina waxa uu noqoday mid arimo siyaasadeed u samaysmay, xoog iyo awoodna waxay ku yeesheen guud ahaan Maraykanka, Urursiyaasadeedkii Isbahaysiga Jeegaantu (Rainbow coalition party) wuxuu xafiisyo ka furtay dhamaan Gobolada waaweyn ee Maraykanka, wuxuuna noqoday mid u dagaalama dhamaan baahiyihiin ay ka cabanayeen kuwaas ku bahoobay, oo ay kamid ahaayeen “ Dhaqaalah, waxbarashada, shaqo-la’aanta, hooyooyinka shaqeeya, beeraha iyo faqrinimada iyo dhamaan kaabayaasha nolosha oo dhan”.

Aniga oo aan aad ugu dheeranahayn, asal ahaan isbahaysiga ama isgaashaan buuraysiga jeegaantu sidii uu u shaqeeyey, gebo-gebadii ururkii jeegaantii maraykanku (Rainbow coalition), waxa uu helay codkii ugu badnaa ee dadkii isbahaystay, wuxuuna ku guulaystay maamulka dalkaas Maraykanka, sanadadii is xig xigay ilaa 2001 wuxuu helaayey deeqo lacageed oo qiyaas ahaan gaadheysa 1 billion oo doolar, isla sanadkaasna waxay fureen jaamacadii ugu horeysay oo loogu talo galay dadka ku abtirsada “Isbahaysiga jeegaanta”, Jamacadaas oo lugu barto daryeelka caafimaadka, wuxuuna yeeshay laamo kala duwan sida “La-dagaalanka Maandooriya, Heshiisiinta Falastin iyo Israail, iyo qaybo kale oo badan”.

Qaybtii hore ee qormo qoraalkana waxaan kusheegay sidii Isbahaysiga jeegaantu uu Somaliland uga bilaabmay iyo aasaaskiisa cidii lahayd, kaas oo bilaabay wakhtigii xornimo-doonka.

Hadba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, Maxay ku kala duwanyihiin Jeegaanta maanta ka jirta Somaliland iyo jeegaantii ka hirgashay Maraykanku?.  Taasi way fududahay, aan isbarbar dhig ku sameeyo.

1.Jeegaanta Maraykanka: Isbahaysiga jeegaanta ah ee ka hirgashay maraykanku waxay noqotay mid ku faaftay dhamaan gobolada dalkaasi, waxaana kujiray dhamaan qaybaha kala-duwan ee dadka kunool Maraykanka, waxay noqotay jeegaan kulmisa ama xubin ay ka noqodaan tiro badan oo qaybaha kala duwan ee bulshada ra’yidka ah, 1984 jeegaanta maraykanku waxay heshay aqlabiyadii ugu badnayad, wakhtigaasna tirada dadka Maraykanku waxay marayeen 238 Milyan.

2.Jeegaanta Somaliland: Isbahaysiga jeegaanta Somaliland waa mid iska dhaaf gobolada Somaliland-ne, aan wada-gaadhin hal gobol oo dalka kamid ah, waxaa ku bahoobay laba reer oo kala dega darafyada Somaliland “Bari iyo galbeed”, qaabka shaqo iyo isbahaysi ee jeegaanta Somaliland way ka duwantahay tii Maraykanka oo Midaysay in kabadan 150 milyan oo qof, halka ta Somaliland ay buuq iyo hadalo xanaf leh ka dhex abuurtay 4 Milyan oo keliya, isla markaasna midayn kari weyday 6 gobol oo keliya.

Intaas aan kagasoo gudbo, taariikhdaas aan jecelaystay in aad ila fahanteen, aniga oo uga jeeday in ay jiraan Dalal waaweyn oo ku liibaanay kuna horumaray, magacan maanta inbadan oo bulshadeena ahi dhibsanayaan maqalkiisa, laakiin waa markii ay dalalkaasi ka run sheegeen jeegaanta oo asalkeeduba aan ka koobnayn 2 midab ee ka kooban tiro badan oo midabo ah…………………………….Lasoco Q3aad

Mahadsanid

Wa-bilaahi Tawfiiq

Saxafi /Qoraa Madax banaan.

Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

E-mail: [email protected]

Www.facebook.com/wiyeeer

Www.wiyeeryare.blogspot.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS