BALIGUBADLE MEDIA
Itoobiya oo sii deysay hogaamiyaha Oromo Federalist Congress
January 16, 2018 - Written by admin

Itoobiya ayaa daaqada ka tuurtay kiis ka dhan ahaa hogaamiye ka tirsan mucaaradka oo la xiray sand ka hor.

Siideynta hogaamiyaha Oromo Federalist Congress, Merera Gudina, ayaa ka mid ahaa waxyaabihii ugu waawaynaa ee ay dalbanayeen dibadbaxayaasha gobolka Oramiya.

hogaamiye orom

Dhanka kale xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya, Getachew Ambaye,ayaa sheegay in ka badan 500 oo maxaabiisa la siidayn doono maalmaha soo socda.

Waxaa uu sheegay in marka hore ay tahay in maxaabiistan ay maraan tababar dhaqancelin ah,

Xukuuumada Itoobiya ayaa sheegtay in maxaabiista la siidaynayo ay ku jiraan kuwa aan isticmaalin xoog si ay isugu dayaan in ay dowladda ridaan.

Kumanaan qof ayaa la xidhay mudo laba sanadood iyo dheeraad ah oo ay socdeen mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeeday.

BBC

COMMENTS