BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Bahda Garsoorka Iyo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Garsoore Sheekh Faarax Nuur.
January 9, 2018 - Written by editor

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelada, qaraabada iyo guud ahaan bahda garsoorka somaliland ka tacsiyadeeyey geerida ku timid garsoore Sheekh Faarax Nuur Maxamed oo mudo dheer ka hawl galayey bahda garsoorka somaliland.
Gudoomiyaha-Maxkamada-Sare1(3)
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray waxa uu u dhignaa sidan:-

“Innaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Waxaan Dhambaal tacsi ah u dirayaa eheladii, asxaabtii,bahda garsoorka iyo shacabka somaliland ee uu ka baxay marxuun Sheekh Faarax Nuur Maxamed oo ku geeriyooday Hargeysa, marxuunka ayaa mudo dheer garsoore ka ahaa maxkamada gobolka Hargeysa isaga oo wakhi xaadirkana ahaa garyaqaan.

Waxaan ilaahay u waydiinayaa marxuunka inuu ku abaal mariyo hawshii uu qaranka u qabtay iyo camalkiisii wanaagsana, waxaanan eheladiisa, bahda garsoorka iyo shacabka somaliland ilaahay uga baryayaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuunkana janooyinkiisa ku casuumo.”

Aaamiin                         Aaammiiinnn                                          Aaammmiinnn

COMMENTS