BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Soo Saaray Wareegto Amar Ah Oo Uu Dul Dhigay Dhulka Danta Guud Ee Muqdisho
January 31, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Eng Yariisow) ayaa soo saaray wareegtadii ugu horaysay oo uu ku soo bandhigay amaro cusub.

yariisaw

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa amray in la joojiyo dhisme ka socda dhul dan guud ah oo ku yaala degmada Xamar Jajab, waxaanu ku amray hay’addaha ay wada shaqeeyaan in la joojiyo dhismahaas isaga oo xusay inaanu aqbali doonin in hantida dawlada si gaar ah looga faa,iidaysto.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa maamulka degmada Xamar Jajab ku amray inay gacanta ku hayaan dhulkan uu xayiray ee dhismuhu ka socday, isaga oo hay’addaha nabad galyada la socodsiiyey inay ka gutaan waajibaadkooda ilaalinta hantida dawlada ee dadka ka dhaxaysa.

Gudoomiye Eng Yariisow oo la hadlay warbaahinta ayaa ka war bixiyey amarka uu soo saaray  waxaanu  yidhi “wareegtada aan soo saaray ee aan ku joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ku yaala degmada Xamar Jajab  waxay ka mid tahay siyaasada dawlada ee lagu ilaalinayo hantida qaranka, si cad ayaanan uga soo horjeednaa in dhulka danta guud ah ee umada ka dhaxeeya si gaar ah looga faa,iidaysto.”

Sidoo kale gudoomiye Yariisow ayaa sheegay inay gacanta dawlada ku soo celinayaan dhulka danta guud ah ee ka maqan waxaanu mar kale yidhi “Waxaan balanqaadaynaa in dhulka danta guud ah ee maqan aanu ku soo celinayno gacanta dawlada, waanan ka daba tagi doonaa, waxaana naga go’an  inaanu dagaal la galno musuq maasuqa lagula kacayo dhulka danta guud ah ee dawlada anaga oo ku shaqaynayna hanaanka dawladnimo iyo sharciyadeeda.”

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan(Eng Yariisow) ayaa u muuqda inuu bilaabay qorshe uu ku dardar gelinayo awoodaha dawlada hoose ee magaalada Muqdisho iyo inay ka soo baxdo waajibaadka ka saaran ilaalinta dhulka danta guud ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS