BALIGUBADLE MEDIA
Falastiin oo dib ugu yeertay Ergaygeeda Mareykanka ka dib go’aankii Washington ugu aqoonsatay Magaalada Qudus caasimada Israel.
January 2, 2018 - Written by admin

Maamulka Falastiin ayaa sheegay in ay dib u soo celinayso Ergaygeeda Mareykanka ka dib go’aankii muranka dhaliyay oo ay xukuumada Washington ugu aqoonsatay Magaalada Qudus ee caasimada Israel.

phlastin
Madaxda Falastiiniyiinta ayaa hore u sheegay in aysan “aqbali doonin” qorshe kasta oo nabadeed oo Maraykanku soo saaro ka dib go’aankii eexashada ee madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay 6-dii December sanadkii tagay.

Go’aanka Trump ayaa sababay mudaharaadyo dhimasho ah oo ka dhacay dhulalka Falastiiniyiinta ay deganihiin iyo dibadbaxyo waawayn oo Muslimiinta ku baahsan adduunka ay ku taageerayso Falastiiniyiinta.

Aqlabiyad badan oo ka mid ah wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka soo horjeestay tallaabada Maraykanku ugu aqoonsaday Al Qudus caasimadda Israil.

Wakaaladda rasmiga ah ee Falastiiniyiinta, WAFA, ayaa axadii, sheegay in Husam Zomlot, oo ah ergayga maamulka Falastiin ee Washington, DC, uu u soo laaban doona “la-talin”.

Xigasho: universalsomali

COMMENTS