BALIGUBADLE MEDIA
Dowladda Soomaaliya oo taageertay howlgalka ciidamada Turkiga ay ka wadaan gudaha Siiriya
January 27, 2018 - Written by admin

Sida lagu qoray wakaallada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu Agency Dowlada Soomaaliya ayaa u muujisay dowlada Turkiga taageero howlgalada ay ciiidamadeedu ay ka wadaan gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.

hawlgal
Wasiirka Arrimaha Dibbada Dowlada Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga in dowlada Soomaaliya ay taageersan tahay xukuumada Turkiga.

“Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan Afrin,”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cawad xilli uu ku sugnaa dalka Ethiopia.

Ciidamada Turkiga ayaa Sabtidii la soo dhaafay waxa ay bilaabeen howlgalo loogaga saarayo deegaanka Afrin ee Waqooyi Bari Siiriya ururada PYD/PKK iyo Daacish.

“Turkigu waxa ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan,waxaan la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlut Cavusoglu una cadeeyay taageerada Soomaaliya ay u hayso howlgalada”ayuu sii raaciyay wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sheegay in ixtiraam weyn ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed xukuumada iyo shacabka Turkiga maadaama ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo taageero siiya shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed.

Sida laga soo xigtey taliyaha ciidamada Turkiga howlgalka la magac baxay Laantii Seytuunka ayuu ku micneeyay in uu yahay mid lagu dhisayo goob xasiloon oo ammaan ah xadka labada dal ee Siiriya iyo Turkiga taasoo sidoo kale loogaga ilaalinayo shacabka Siiriya cadaadiska iyo xaasidnimada argagaxisada.

HOL

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS