BALIGUBADLE MEDIA
Doodii Shaqo Abuurka Muuse Biixi oo Beenoobay Iyo Shaqaalihii Hore ee Dawladda oo uu Beegsanayo.
January 11, 2018 - Written by admin

madaxwaynaha somaliland muuse biixi ayaa muddo dheer oo uu u soo halgamayay kursiga uu hadda ku fadhiyo balanqaad ku soo galay inuu shaqo abuur u samayn doono dhalinyaradda somaliland oo camal la’aantu ku habsatay waxaanay rajo fiican ka lahaayeen da’yarta dalku inuu rumoobi doono balanqaadkaasi balse maanta ayaa bulshadda somaliland ku warheshay inuu balanqaadkaasi beenoobay kadib markii madaxwayne biixi uu shaqadda ka caydhiyay 109 shaqaale oo ka hawlagalayay madaxtooyadda somaliland

topnews

inkasta oo loo baahnaa in hadii xataa laga badalayo madaxtooyadda aan haayado kale oo dawladeed oo loo badalo hadana taasi may dhicin ee gabi ahaanba shaqaalahan waxa la dhigay dibadda sidaas ayaanay kaga baxaan shaqaalenimadii dawladda

arintan ayaa niyad jab iyo rajo beel ku riday bulshadda somaliland ee waxqabadka ka filaysay madaxwaynaha cusub gaar ahaan da’yarta oo iyagu rajo fiican ka lahaa fulinta balanqaadkaas uu hore u sameeyay ee shaqo abuurka waxayse walbaaba hal bacaad lagu lisay noqdeen kadib markii maanta madaxwaynuhu caydhiyay shaqaalahaas.

isku soo wada duuboo madaxwayne muuse biixi oo looga fadhiyay inuu dalka wax ku soo kordhiyay ayaa beegsanaya shaqaalihii hore ee dawladda iyadoo talaabadani nusqaan wayn ku tahay qof dal madaxwayne ka ah waxaana halkaas ku beenoobay muddo aad u yar kadib balanqaadkii muuse ee shaqo abuurka dhalinyaradda somaliland.

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

[email protected]

COMMENTS