BALIGUBADLE MEDIA
DHaraarihii Tagey Iyo Dhawacii Dawladnimada:- Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto). Q:2aad.
January 28, 2018 - Written by admin

Sida  ku  xusnayd  qormadii  hore  waxaan  ku  soo  qaadaney Hab-maamuuska  Dawladnimada, Hadaba  taxanihii  oo  sii  socda  hada  waxaan  eegi  doonaa  qodobka  xiga qodabkii  koowaad, Horta  qormadan  aan  idin  xasuusiyee  waxaan  ku  soo  ban-dhigayaa  xaaladii  dhaawac ee  Umada  reer  Somaliland  ka  soo  gaadhey  Xukuumadii  hore  ee  isla  dalkan,  Oo  aan  ku  soo  qaadanayaa  wixii  sooyaal  ka  hadhey  si  uu  diiwaanka  u  galo.

Qodabka  labaad  ee  ay  qormadu  diirada  saareysaa  waa (2: Doorkii Ay  Ku  Lahaayeen  Dumarku  Bur-burkii  Dawladnimada  Iyo  Dariiqyada  Ay  Inagu  Fureen), Markaan  soo  gaadhay  ciwaanka  dumarka iyo  marxalada  aan  ka  sheekaynayo  waxaan  xasuustey  Maansadii  Isa-sudhan  Ee  Muakir,  Muhandis,  Mukhtaric  Maxamed  Ibraahim  Warsame  (Hadraawi), Intaanan  bilaabin  tixdaasi  Hadraawi waxaan  idin  la  wadaagayaa  in  aaney  iga  aheyn  haween  nacayb , curfi, caadifad  iyo  daba-socod  kale  balse  aan  kaliyaata  qorayo  Taariikh  dhacdey, Sidaa  awgeed  Taariikhda  iyo  Qalinkuba  midna  lagama  been  sheego  wax  kasta  oo  raadkoodu  galo  waa  la  soo  ban-dhigayaa, Intaasi  waa  iga  cudur-daar  akhristayaasheyda  sharafta  lahaw.

Tixdu  waa  mid  iftiiminaysa  haweenay  soo  gashey  buqcadii  talada  ama  soonihii  hogaanka waxoogaa  yarna  wey  dureysaa  haweenayda  ay  la  hadlayso.

“Sodoh  Yahay  La  Duufsadey

Sawdigaan  Banaankiyo

Dibbada  U  Bixi  Jirin

Sawdigii  Dusuudiyo

Weelkaaga  Xalan  Jirey

Yaa  Ciyaarta  Kugu  Darey

Kugu  Yidhi  Ku  Soo  Bood

Yaase  Kuu  Cimaamadey?????.

Tixdaasi  sidaa  ayey  tidhi  runtiina  ma,ha  Quudhsi, Qaayo- la,aan  iyo  Qiimo  daro  ay  haweenku  mudan  yihiin , Balse  waxa  gashey  wadada  qormo-sooyaaleedka  sidaa  awgeedna  qalinku  cid  ma  cafiyo , kama  xidho, kamana  been  sheego, Intaa  Areriyo  ku  dhaaf  hoge-tusaaleyn  dabadeedna  aan  u  dhaafo  abaarta  ii  qoolan,  Cahdigan  ay  haweenku  dalkan  Saaxadiisa  siyaasadeed  ku  dhex  milmeen  ayaa  ahaa  xilli  yaguun  layska  xaadiriyo  oo  ay  shaash  lahaayeen  ragga  inta  yaga  soo  marta  ama  ku  xidhaniba,  Hadii  aad  wakhtiyadan  aragto  nin  Ina-rageed  ah  oo  la  buun-buuninayo  waa  nin  heblaayo  ama  habar  xaynkeeda  ku  jirra  kaasoon  war-warayn  tawaawac  iyo  tab-ciilna  umuurihiisu  ka  dheer  yihiin  haday  tahay  baddelaad,  ku  qabsasho,  ama  la  qaybsi  mashaariicahaa  ku  hoos  jirey  xaynenka  dumarka  ee  maahayska  uun  lagu  daabacey.

Jeeroo  aynaan  ku  waabariisan  todobadii  sanadood  inay  majaraha  hayaan  Haweenku,  waxa  inoogu  horeysay  Muddo  hada  ay  ka  soo  wareegtay  Saddex  sanadood  iyo  saa,iid, waa  xilliga  ay  dumarku  saani  u  gudoomeen  jaan-go,oynta  majaraha  saaxada  siyaasada  Somaliland,  Waa  xilligii  aan  dhaxalnay  inay  umadu  kala  noqoto  Heerer  ama  dabbaqado  xaga  nolosha iyo  dhaqaalaha  waayo  waxaad  arkeysay  doqon  jaanis  loo  siiyey  boobida  hantida  kuna  takrifalaya  sida  uu  isagu  doono,  Waa xilligii  la  abuurey  in  qof-qof  loo  qaybsado  dhulkii  danta-guud,  Mashaariicdii  dawliga  ahaa  kuwaasoo  la  siiyo  ama  looga  faa,iideeyo  kooxo  haweena  ama  xayn  ragg  ah  hamigooduna  yahay  iney  ka  taajiraan Qorshaha  uu  Qaranku  ku  horu-marinayo  umadiisa, Yagoo  mashaariicdii  u  bililiqaystey  mid  mid  fulintooduna  ay  tahay  furashada  meherad  ama  macdar  ganacsi  oo  ruuxii  mashuurca  qaatey  mu,alifey  isla  markaana  ay  xukuumadu  si  tamashleyn  ah  xadhiga  uga  jarto.

Xilligani  waxa  yadna  soo  if-baxdey  in  la  magacaabo  masuul  xilka  loo  igmadey  aan  garaneyn  balse  lagu  maamuusey  marwo  qaaliya  oo  gacanta  haysay, Hadaba  masuulkani  maa  uu  aheyn  mid  guta  xilka  loo  cumaadey balse  waxa uu  gudan  jirey  ama  ku  mashquuli  jirey  danaha  ay  u  asteyso Marwadaa  Qaaliga  ah  ee  isaga  xaadirisey, Masuuliyiintan  dumareysan  ama  ku  gabada  xaynenku  waxay  u  badnaayeen  kuwii  ay  bulshada  kala  irdhoobeen  ileyn  waxan  shacabku  ka  doonayaan  isagu  ma  garanayee,  Waxa  uu  garanayaa  marwadii  xaadirisey  baylahdii  ay  u  dirty  oo  ah  kuwan  shicibku  ka  naadinayaan  kuwa  ka  duwan,  Halkaasina  waa  isa-seega  bulshadu  iyo  masuuliyiinta  intan  danbe  la  magacaabi  jirey  oo   shaqadoodu  ku  qeexnayd  soo  iibinta  (Shopping) iyo  hadba  sadedkii  xafladiyo  xifaaltan  lagu  galayo  si  dhac  kale  u  sii  socdo  oo  xaga  shicibka  ah  ama  bulshada  loogu  fikiro.

Qarnigan  ay  haweenku  hogaanka  saaxada  miisaankeeda  hayeen  waxa  lagu  xasuustaa  iney  soo  dubaan  safad  cusuboo  saxaada  ku  nusqaan  ah,  Kuwaasoo  ka  talo  bixiya  hadda  waa  masuuliyiinta  ilma-rageed  ahe.  Oktoobarada  loo  marayo  heblaayo  hadyad  u  keentay  Heblaayada  weynee  Golaha  Saree  Kacaanka  Gudoomisa  ama  qurba-joog  hindistey  nimaad  cusuboo  golaha  saree  kacaanka  haweenku  wax  u  boobo  kuwaasaa  masuuliyiinta  ragga  ah  loo  diri  jirey  waliba  yadoo  la  sito  udbihii  iyo  dhigihii  waa  baadhiyadee,  Halkaana  qodob  dheh  tolaw  ma  dawladnimaa  jirta , ma  masuuliyad  baa  jirta, waa  aregtaan  in  laysla  wada  dagey,  Waa  casharadii  iyo  cutubyadii  ugu  muhiimsanaa  ee  ay  haweenku  nagaga  tageen walee  hiiftankoodii  iyo  wacaashoodii  wataa  maanta  umada  dhaxalsiisay  sixir-barerka  iyo  is-waaga  aduunyo  isla-waayeen  maxastiyo  masaakiintii.

Guntiyo  gaba-gabadii  dawladihii  hawada  haweenku  ina  hayeen  waxay  ku  af-jarmeen  maanta  ta  aynu  taagan  nahay  ee  cilinkeedii  la  laayahay,  Waa  sixir-barerka  iyo  sumal-haadka  ku  dhacay  bulshadii  Somaliland  cayn  kasta  iyo  caded  kasta  oo  ay  ka  kooban  yihiin  oo  haatan  la  caataabaya ama  la  daalaa-dhacaya  nolol is  baddeshay  oo  ay  ugu  wacnayd  doqon  lagu  buun-buuniyey  umada  siduu  doonana  ugu  awood  sheegtay  masaakiintii  wixii  uu  mashaariicdoodii  ka  helayna  noloshii  ku  qaaliyeeyey,  Halka  uu  isagu  ku jiro  nolol  ku  filan  isla  markaana  dhaqaalaheeda  uu  ka dabaalan  karayo,  Waxan  ina  waaleyna  waa  dalkii  oo  qurub-qurub  loo  istaagey  lana  iibiyey  lagactii  ka  soo  baxdeyna  ay  dhalisey  maceeshad-laalan  iyo  qawtal-daruuri  misiikii  shicibka  ahaa  waayo,  tolaw  danbigaa  yaa  leh  ma  Haween  mise  Cidii  La  Doortey??????  Jawaabtu  waa  xagiina.  LA  SOCO…………………………

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto)

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS