BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Imaaraadka Oo Somaliland U Soo Dirtay Wafti Sare Oo Madaxweyne Biixi Kala Xaajooda Saldhigga Millateriga Ee Berbera.
January 9, 2018 - Written by admin

Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u soo dirtay wefti sare oo kulan la yeelan doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha saldhiga milatari ee Berbera.

imaaraadka iyo muuse

Weftigan oo shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in ujeedada weftigu tahay sidii ay kulan arrimaha saldhiga ku saabsan ula yeelan lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay dawladda Somaliland xaqiijisay in hakin lagu sameeyay hawlihii saldhiga markii ay soo baxeen arrimo lagu heshiiyay oo aanay dawladda Imaaraadka Carabtu weli fulin.

Weftiga UAE ka socda ayaa shalay kulan kooban la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana la filayaa inay maanta la kulmaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay dawladda Somaliland weftiga UAE u bandhigi doontaa qodobbada ay doodda ka leedahay ee la xidhiidha saldhiga iyo arrimaha ku xeeran.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad cali Shire ayaa hore u sheegay inay jiraan arrimo farsamo iyo qabyooyin sababay in hakad la geliyo saldhiga UAE ee Berbera, kuwaas oo ay ka mid yihiin waxyaabo uu heshiisku ku waajibinayay Imaaraadka Carabta, sida bilowga jidka Berbera Corridor, dhismaha madaar shacab oo gaar ah, in muwaadiniinta Somaliland loo ogolaado inay ka shaqaysan karaan UAE iyo qodobo kale. Waana qodobada la filayo inay weftigan dawladda Somaliland kala hadasho.

Lama oga in weftigu booqan doonaan magaalada Berbera, waxase la filayaa inay maanta ku laabtaan dalkooda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS